Daawo: Guddida Joogtada Ee Guurtida Oo Xog Waraystay Guddida Doorashooyinka Qaranka

0
656

Hargeysa(Halsan):-Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa xarunta golaha guurtida xog waran ku siiyay guddida joogtada ah ee aqalka guurtida. Kulankaasi ayaa lagaga wada hadlay habsami u socodka hawlaha diwaangalinta iyo doorashooyinka ku mudaysan horraanta sanadka 2017-ka.

 

Ilaa 5 xubnood oo ka mid ah guddida doorashada oo ay hogaaminayaan guddoomiyaha guddida Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo afhayeenka Siciid Cali Muuse, ayaa guddida guurtida uga waramay hawlaha diwaangalinta ay sheegeen in wacyi galintoodii hadda socoto lana filayo inay diwaangalintu bilaamato  wakhti dhaw oo aanay cayimin.

 

Guddoomiyaha guddida Eng Cabdiqaadir, ayaa ugu horayn guddida ugu bushaareeyay in qalabka diwaangalintu yahay mid damaanad qaadaya inaanu qofna laba jeer ama ka badan is diwaangalin karrin “Maanta waxaanu idinku wargalinaynaa inaad geed kasta iyo guri kasta gaadhsiisaan inaanay dhacayn diwaangalin laba goor la galo. Sababta aanay u dhacayni waxa weeye qalabka oo mid bu’da isha ayuu sawirayaa iyo wajiga oo labadaas arrimood ayaa is barbar yaala. Bu’da isha markuu sawiro, ka soo qaad milyan iyo laba boqol oo qof inaynu ugu talo galay diwaangalinta, waa laba milyan iyo afar boqol oo indhood, markaa qalabkani muddo aan ka badnayn 5 seken ayuu ku eegayaa intaas oo indhood oo haddii ishaadu la mid noqoto uu sheegayaa halkii uu qofkaasi iska diwaangaliyay,” ayuu yidhi guddoomiyaha Komishanku.

 

Afhayeenka guddida Siciid Cali Muuse oo isna xog waranka qayb ka ahaa ayaa sheegay in hore ay u xumaadeen diwaangalinno dalka laga qabtay balse hadda ay doonayaan in diwaangalin dhaxal gal ah ay sameeyaan “Waxaanu doonaynaa dalka inaanu ka samayno diwaangalin dhab ah oo qofka da’da 16-ka taagan u suuro galinaysa inuu is diwaangalin karo, oo qofka wiil iyo gabadhba maalinta doorashada haddii da’diisu gaadho 16 u suuro galinaysa inay maalintaas codkooda bixin karaan, taasina waa mid qalabka casriga ahi suurto galinayso oo uu odhanayo qofkaasi waa mid maalinta doorashada ama maalmo ka hor 16 jirsaday

 

Mudane ka tirsan guddida ayaa waydiiyay komishanka siday suuro gal u tahay in diwaangalinta iyo doorashadu wada gaadho gobolada Dalka maadaa guddi komishanka ka tirsan dhawaan laga afduubtay Hadaaftimo oo Sanaag ka tirsan, waxayna ku doodeen inaanay taasi waxba u dhimayn qorshahoda “Anagu waxaanu doonaynaa oo naga go’an oo komishan ahaan naga go’an in aanu guud ahaan xuduudaha Somaliland diwaangalinta iyo doorashada gaadhsiinno,” ayuu yidhi Afhayeenka guddida doorashada Siciid Cali Muuse.