DAAWO: Gabadh Muslim ah oo la Xukumay kadib markii Dhuunta Midi ka galisay Askari Jarmal ah

0
623

DAAWO: Gabadh Muslim ah oo la Xukumay kadib markii Dhuunta Midi ka galisay Askari Jarmal ah

Safiya waa gabadh yar oo 16 jir ah kuna dhalatay wadanka Germany balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Turkiga taas oo iminka 6 sano oo xabsi ah lagu xukumay ka dib markii ay dhuunto Mindi ka galisay Askari Booliis Jarmal ah .

Gabadhaan yar ayaa sanad ka hor waxaa laga soo celiyay xuduuda dalka Turkiga uu la wadaago wadanka Siiriya xili ay dooneysay inay ku biirto kooxda Daacish , waxaana lagala socoday dhanka dhageysiga Telefoonada iyo qadka Internet-ka.

Safiya ayaa markii safarkeedii si qasab ah dib loogu soo celiyay gudaha dalka Germany waxeey qorsheeysay weerar ay ku qaaday Askari Booliis Jarmal ah oo shaqo ka hayay xarun Tareemada laga raaco oo ku taalay magaalada Hannover taas oo Askarigii Midi ka galisay dhuunta waliba gaarsiisay dhaawac halis ah .