Daawo: Eng Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen Oo Shir Jaraa'id Kaga Hadlay Khilaafkii U Dhexeeyay

0
769

Hargeysa(Halsan):- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa xisbigaasi Jamaal Cali Xuseen, ayaa markii u horaysay shalay kulan wada qaatay kadib markii dhawr bilood khilaaf kala irdheeyay awgii ay ku kala maqnaayeen.

Sida ay Ramaasnews u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan xisbigaasi, waxaa labada masuul kulansiiyay xubno ka tirsan xisbiga Ucid, golihiisa dhexe iyo masuuliyiintiisa, kuwaasi oo ku guulaystay inay is hor fadhiisiyaan Faysal iyo Jamaal oo ku kala aragti duwan habka xisbiga Ucid ku guulaysan karo doorashooyinka soo socda.

Kulankaasi ayaa la sheegay in hal is fahan ka soo baxay kadib markii ragga dhexdhexaadinta waday su’aal isku mid ah waydiiyeen Eng Faysal iyo Jamaal, taas oo nuxurkiisu yahay inay rabaan in xisbigaasi ku guulaysto doorashada, labadooduna kaga jawaabeen inay jecel yihiin guusha xisbiga.

Intaasi kadib ayaa la isku afgartay in si isku duubnaan ah oo labadooda iyo xisbiga Ucid intiisa kale ah looga hawl galo habka loo arko in xisbiga Ucid ku guulaysan karo doorashooyinka 2017, maadaama uu laba jeer oo hore guul daraystay. Haseyeeshee lama garan karo in la isku raaci doono rabitaanka Fays lama kan Jamaal.

Eng Faysal iyo Jamaal ayaa khilaafkoodu salka ku hayay in Faysal ku dooday inuu rabo in doorkan xisbiga Ucid talada Somaliland qabto, sidaasi darteedna la qiimaynayo musharaxiinta hoggaaminaysa, taasoo macnaheedu yahay in mar kale la tartamo, halka Jamaal ka soo horjeeday in lagula tartamo jagada musharaxnimada.

https://youtu.be/Zw7ppNWNEvM