Hargeysa(Halsan):- Arday jaamacadda Golis ka baran jirtay culuunta caafimaadka oo bedel ka qaatay ayaa sheegaya in jaamacadda Golis dacwad ku oogtay jaamacad ay ku biireen. Ardaydan oo cabashadooda u bandhigay saxaafadda ayaa sheegaya in xuquuqdooda meel lagaga dhacay.
Ilaa 45 Arday oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay cabashooyin jira uga tageen jaamacadda Golis, kadibna jaamacad kale ay ka bilaabeen waxbarashadooda dhakhtarnimada balse jamaacaddaasi lagu oogay dacwad maxakamadda ah.
Ardayda ayaa cabashadooda ku saleeyay lacago dheeraad ah, tayada waxbarashada iyo wakhtiga waxbarashada oo aan xaddidnayn, arrimahaasi oo ay ku tilmaameen kuwo aanay qaadan karrin.