DAAWO: 1400 oo Mujaahid oo Hargeysa soo galay 31 may 1988. ( Muwaadi ha hilmaamin dhibtii loo soo maray xoriyadan aynu kunaaloonayno )

0
1041

 

Mujaahidiintii  Nafodhooda  usoo horey unasoo biimeeyey siddii aynu u gaadhi lahayn nolosha aynu manta ku noolnahay ee xoriyadda ah. Bal aynu milicsano dagaalkii SNM ay hargeisa kusoo gashay 31 may 1988 , oo illa daawada oo si qiiro leh iila daawada marka hore waxaan Alle u waydiinayaa Naxariis kuwii habeenadaa kala dambeeyey ku shahiiday Burco iyo Hargeysa  Holicii dagaal iyo guud ahaan kuwii ku shahiiday halgankii .

Mujaahidiintaa aynu hadda wada daawanayno waxay usoo babac dhigeen Ciidamadii faqashta oo haystay qalab military oo aad u tiro iyo tayoba leh iyada oo mujaahidiintii habeenkaa soo gashay ay kala badh ku shahiideen dagaalkii taliska iyo birjeex ka holcay bal aynu milicsano:.  Saacada Afrikada Bari markay 2:30 arroornimo waxay soo gaadheen Xaafada Isha-Boorame, oo uu ku yaalo Taliskii Qaybta 26aad ee Ciidankii Faqashka (oo imika ah Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland), waxaa Taliska Qaybta dhawr boqol oo mitir waqooyi ka xiga Xeradii Birjeex, Xeradii Ciidanka Daraawiishta, Taliskii Guud ee Ciidanka Bilayska iyo Miiska Saraakiisha oo galbeed kaga beegan. Waxaa il-qabatin isku jira Ciidamadii xaq-u-dirirka ee SNM oo dhaarsan, wacad-na ku marsan Guul ama Geeri iyo Ciidankii Faqashta ee Gaaska 2aad ee Qaybtii 26 aad oo u sii diyaar-garoobay difaac-na kaga jira dhufaysyadoodii kana kooban: Guuto 5-aad oo fadhigoodu ahaa Gabiley, Guuto 50-aad oo fadhigoodu ahaa Gumburaha, Guuto 87-aad oo fadhigeedu ahaa Bali-Shirre iyo Guutada 661-aad oo ahayd madaafiicda goobta, kuna kala filiqsanaa fadhiisimooyinka Guutooyinka oo dhan. Gaaska 2aad waxa taageerayey Urur taangiyo ah oo fadhiyay Gabiley iyo Hurinta lidka diyaaradaha oo fadhiday Hargaysa. Gaaskan waxa kale oo kayd xoojin ah u ahaa 6 Baabuur oo BM13 ah, 3 Baabuur oo BM21 ah, Ururka 16aad oo ka koobnaa 24 taangi oo noocoodu kala ahaa 55 iyo 54, kuwaas oo ku kala diyaarsanaa Gabiley iyo Dararweyne, Ciidamadii Taliska Qaybta 26aad oo ka koobnaa Urur Daraawiish ah, Urur Koofiyad Cas ah, Urur Miinada ah, Urur Isgaadhsiin ah, Urur Saadka ah, Ururka Dhismaha, Hurinta warshadaha kabista, Cutubyadii Dugsiga Tababarka Madaafiicda, Guutada 4aad ee Gantaalaha oo kala fadhiday; Masalaha, Waraabe Salaan, iyo Berbera. Waxa kale oo kayd ahaan u diyaarsanaa Ciidanka Circa oo haystay 3 diyaaradood oo hawl gal ah, duuliyayaashii u diyaarsanaa waxa ka mid ahaa; Xirsi, Mursal Muufo, Yuusuf Waraabe iyo rag kale. Guutada 24aad waxay haysatay Tikniko ka koobnayd 23 Beebee iyo 24 Madfac (106)

Ciidamadii SNM oo gadoodsani waxay ugu horeyntiiba guluf ku qaadeen Taliskii Qaybta 26aad ee Faqashta. Markay u jiraan Taliskii Qaybta ilaa kiilomitirna waxa ku bilaabantay rasaastii Faqashta waxaana sidaa ku bilaabmay Dagaalkii Hargeysa. Habeenkaa waxaa dhacay dagaal aad u foolxun oo maryo dhiig leh la kala furtay. Waxaa magaalada afarteeda dacal gilgilay gariirka iyo dayaanka hubkii ka dhacayay qoryaha noocyadiisa kala duwan oo la isugu addeegsanayay si arxan-daro ah oo aan kala go’ lahayn iyadoo rasaasta ka dhacda boobayaasha fudud-na la iskugu afuufay sida dhibicda roobka. Waxaa cirka iftiimiyay hilaacii iyo ololkii ka baxayay qoryaha waaweyn iyo iftiinkii rasaasta, Waxaa meelaha qaarkood waxa cirka isku shareeray qiiq ka baxayay goobihii la isku faro-saaray, iyadoo hawadu saaqantay oo baaruudu ka uraysay. Waxay ciidamadii SNM habeenkaa mireen oo cagta mariyeen Gaaskii 2aad ee ciidamadiii Faqashta iyagoo qabsaday Taliskii Qaybta, Xeradii Birjeex, Xeradii Ciidanka Daraawiishta, Taliskii Guud ee Booliiska, Miiska Saraakiisha iyo Wershadii Laydhka. Gen. Morgan iyo saraakiishiisii oo argagaxsana waxay u baxsadeen Madaarka Hargeysa. Waxaa Hargeysa ku soo qulqulayay Gaaskii 1aad ee Qaybtii 26aad ee Ciidankii Faqashta oo ka soo gurmaday Gabiley iyo Boorame. Waxaa dhacay habqan dagaal oo waxaa isku milmay oo la kala garan waayay faqashtii iyo SNM-tii. Hiirtii waaberi markii ruux iyo geed la kala gartay dagaalyahaniintii SNM waxay bilaabeen inay u soo gudbaan dhanka waqooyi ee magaalada iyagoo koox-koox u socda, markay ka soo talaabeen Dooxa Hargeysa dhinaciisa Shacabka waxay dooxa qarkiisa kula kulmeen ciidankii gurmadka ahaa.
Waxaa goobtaa ka dhacay dagaal culus oo jilbaha la is-dhigay oo ciidamadii SNM askaxa ka dhigeen ciidankaas. Qiyaastii 6:30 aroornimo waxa istaagtay rasaastii, ciidamadii SNM waxay bilaabeen inay u soo talaabaan dhinaca waqooyi ee magaalada iyagoo sii dhexmaray Xaafadaha Goljano iyo Xero Awr, waxayna isku urursadeen oo difaac ka galeen Idaacada dabadeeda iyo Xaafada Xawaadle”

.

Gabagabadii;   Marna yaan la illaawin Dalkan iyo xoriyadan dhibtii loosoo maray

Cabdirasaaq Askar

Halsan Media Group

https://youtu.be/ctouHcMOsQc