Cunsuriyiin si xun ugu caayay boorarka Angela Merkel iyo dhibka qabsaday !! + Sawirada

0
703

Raisul wasaarada dalka Germany Mss .Angela Merkel ayaa maxkamada ugu sareysa dalka Jarmalka waxa ay ku dacweeysay labo Xisbi oo cunsuriyiin ah kuwaas oo lagu kala magacaabo NPD iyo AFD .

Xisbiga mayalka adag ee (NPD) ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen soo daabicida boorarka tartanka doorashada dalka Jarmalka kuwaas oo Raisul-wasaare Angela Merkel ku tilmaamay Muqalasad loo baahan yahay in la iska qabto (Stoppt Die Schlepper Merkel) .

Dhanka kale Xisbiga kale ee Ajaanibta neceb ee ( AFD) ayaa isna lagu heystaa inay wadooyinka ku dhajiyeen boorar ama kaarar waa weyn oo ay qarash fara badan ku bixiyeen , kuwaas oo dhankooda Angela Merkel ku sheegay Boqorada Muqalasiinta Caalamka (Die Königin Der Schlepper) .

Ugu dambeentii Xisbiga wanaagsan ee (CDU) oo haya talada dalka Germany ayna ka tirsan tahay Angela Merkel ayaa dacwad aan caadi eheen ku soo oogay labada xisbi ee Cunsuriyiinta ah sida (NPD iyo AFD) , kuwaas oo muteysan doona ganaax adag iyo Malaayiin Euro .

Cunsuriyiinta gudaha dalkaan Germany ayaa waxa ay Raisul-wasaare Angela Merkel ku eedeenayaan inay Jarmalka ku soo dal dashay malaayiin Qaxooti ah halka shacab badan oo jarmal ah ay shaqo la aan yihiin . Dhanka kale goobo waxaa jiro Merkel lagu tuuryeeyay Yaanyo ama Toomaanto xili ay qudbad u jeedineysay shacab jarmal ah kuwaas oo ku dhawaaqayay (Merkel Muß Weg ) oo macnaheedu yahay Merkel ha na dhaafto !! .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here