Mid ka mid ah dalalka ugu caansan qaarada Yurub ayaa mudo bil ah waxaa ka socday tartanka doorashada xilka Madaxtinimada dalkaas taas oo gaartay heer qaraar ka dib markii musharax Cunsuri ah uu helay codad badan inkastoo ugu dambeeyntii si cajiib ah looga taqluusay . Doorashadaan oo ka dhacday dalka Austria oo ku yaala bartamaha Qaarada Yurub ayaa bilowgii waxaa ka qeyb galayay ilaa 6 Musharax balse ugu dambeeyntii waxaa iskugu soo haray labada Musharax ee kala ah Prof Dr.Alexander Van Der Bellen iyo Norbert Hofer . Norbert Hofer oo ka socday xisbiga midig ee Cunsuriyiinta (FPÖ) ayaa dhoor jeer waxa uu ku guuleeystay wareegii hore ee doorashada xilka Madaxtimada dalka Austria balse ugu dambeeyntii markii ay xaalada xumaatay oo Cunsuriyiin fara badan ay dabaaldegeen ayaa taageerayaasha Musharixiintii hore ee haray waxeey coadadka ugu shubeen Prof Dr.Alexander Van Der Bellen oo aqoonyahan rug cadaa ah kuna guuleestay Doorashada. Cunsuriga mayalka adag ee Norbert Hofer ayaa waxa uu ku doodayay in uu hakin doono Qaxootiga faraha badan ee ku soo qulqulaya dalka Austria gaar ahaan kuwa Islaamka ah ee dalalkooda kaga soo cararay dagaalada Sokeeye iyo Qaraxyada . |