‘Coronavirus’ Iyo Diinta Islaamka! By Khadar Ibrahim Aar.
Waxaa jira xidhiidh ka dhexeeya Dadku Diimaha ay aamin sanyihiin iyo hadba Xanuunada Dunida saf-mareeya sidan Coronavirus oo kale.Dalka Shiinaha oo xanuunkani kasoo faafay ayaa habka xanuunku dadka u safmaraynaayo markii uu ka yaabay waxa ay ka macneeyeen Xanuun Jinni soo faafiyey.
Inta badan Dadka shiinahu waxa ay aamin sanyihiin Xanuunada Dadka Safmereeyaa in ay yihiin kuwo Jinni ka hawl galay. Hadalkii Madaxwaynaha Shiinaha waxa uu u dhignaa sidan: “Cudurka faafaa waa jinni.
Inkastoo Xanuunada iyo Cudurkasta oo Dunida dadka asiibaa uu yahay mid ku yimaada asbaab iyo xaalad markaasi sababta ,isla markaana aan la odhan Karin Islaamku xijaab iyo Gidaar ka celiya ayuu leeyahay hadii cudurku faafo,hadana waxaan la iska indho tiri Karin in Gaalnimada wakhtigan joogtaa ay la kulmayso Cawaaqib xumo ka dhalata xakamayn la’aanta iyo Xoriyada Xayawaaniga ee Bini’aadmigii loo sameeyey iyo Diin la’aanta sii kordhaysa maalinba maalinta ka danbaysa.
Waxay aamineen Sayniska ,waxa ay ka tageen oo ka fogadeen dhamaan waxkasta oo Diin xidhiidh lalahaa xattaa kuwii ay khaladka ay ku sameyeen iyo Kinisadahii Albaabada ayaa badankooda loo laabay Saynisku waa toosh yar oo lagu ifin karo nolosha Aadanaha qayb yar oo ka mida 0.0% marka Diinta loo eego ,waana shay markasta isbedal iyo casriyeeyn u baahan.
Inaga oo haysana xalka uu Dunida keenay Rabbi ,maxaynu ugu halgamaynaa ku dhaqanka xalka Aadanahu Dunida keenay ? waa su’aal iswaydiinteeda leh.Dunida oo dhami waxa aad mooda in hada ay usoo guurayso nidaam iyo hab dhaqan Diimaha lagu cidhib tiraayo.
Dadku way jecel yihiin xoriyada aan xakamaha lahayn,Diimahuna intooda badan waxa ay ka siman yihiin in ay Xoriyada xad u yeelaan,Islaamka ayaana ugu Sharaf badan in Xoriyada uu dadka u ogolaaday ay tahay mid xidhiidhisa nolosha Ifka iyo Aakhiradaba.
Ma jirto Dunida wax nool oo aan Xadlahayni,dhamaan Xayawaanka Ilahay abuuray,Dhirta iyo dhamaan abuurka Dunida oo dhami waxkastaaba waxa ay leeyihiin meel ayna dhaafin waligood ,balse Aadanaha oo la siiyey garashada iyo Caqliga ugu fiican ayaa waxa uu jecel yahay in aanu qaab nololeedkiisa xadaynin,waana sababta ay Dunidu maanta u fasahaadey.
Hadaba Aadanahu hadii uu xad iyo lama-dhaafaan u yeeliwaayo dabeecadahiisa nolosha ,isla markaana uu doorbido in uu u noolaado siduu doono ,saw ma ogid in ay iman karaan Xanuuno iyo aafooyin ka dhasha hab-dhaqanka Xayawaaniga ee ay Dunida samaynayaan.
Dimuqraadiyada foodka ayaynu ku qiimaynaa iyo hab-sami u socodka nidaamka Dawligaa ,lakiin waa ay ka xeel dheer tahay,waxaana ay aasaas u tahay Xoriyada aan xadka lahayn.Dunida badan keeda sharciyada iyo Qawaniinta la sameeyaa waxa ay ka shidaal qaataan rabitaanka dadka waana aasaaska Dimuqraadiyada.
Dhamaan Dunida Gaalada isku wadagee ,nolosha waxaa lagu maamulaa rabitaanka dadka oo macnaheedu yahay “”Sideed rabtaa in aad u nolaato”” kadibna habka aad rabto in aad u noolataa xataa hadii uu yahay kan Dunida ugu akhlaaqda xun waxa kaa xiga oo kaliya in Baarlamaankaagu ansixiyo.
Coronaviruses sida ay Dhakhaatiirtu sheegeen waa xanuun ballaadhan oo fayras kiisu ku jiro Xayawaanno fara badan oo kala duwan, kuwaaso oo ay ka midyihiin Bisadaha, Eyda,Jiirka,Fiidmeerta,Dameeraha iwm
Dhakhaatiirtu waxa ay isku raceen horay in xidhiidhkasta oo lala sameeyo Xayawaanka ,sida in la cuno ama Canahooda la cabo in laga qaadi karo marar dhif ah,cudurka uu Xayawaankaasi oo qabo isla markaana aan laga dawayn, sidaa awadeed Coronaviruses Xayawaanku way qaadsiin karaan dadka ka dibna waxay ku faafi karaan Dunida oo dhan.
Sida ay sheegayaan warbixinnada rasmiga ah,xanuunkani waxa uu ka bilaabmay horaantii agagaarka Suuqa wayn ee looga ganacsadi Iibna Hilibka Bisadaha,Eyda,Masaska iwm,kuna yaala gobolka HUBEI Suuqaasi oo layidhaa Huanan ee dalka Shiinaha.
Khubarada caafimaadkaayaa waxa ay rumeysan yihiin inuu yahay Suuqani uu yahay midka kaliya ama isha cudurka Dunida usoo faafisay ,sababtuna ay tahay Xayawanaadka Duurjoogta ah ee Hilibkooda iyo iyaga oo noolba halkaa lagu iibiyo iyaga oo aan wax caafimaad ah aan la marin .Suuqa ayaa la xidhay dabayaaqadii Bishii Diseembar bilowga faafitaanka Cudurka ,waxaana hadda ilaalinaya shaqaalaha amniga,marka laga reebo sida wararka lagu sheegay hal Dukaan oo dhinaca Internetka kusoo jiitay Dadka.
Muhiimada qoraalkaygu ma ahayn faalada iyo falan-qaynta cudurka ‘Coronavirus’balse waxa aan si kooban uga hadlaayey Diinta iyo cafimaadka xidhiidhka ka dhaxeeya.
Shaki kuma jiro in Naftu marwalba raadiso raaxeysigeeda iyo farxaddeeda isla markaana ay ku kasbato waafaqiddeeda wakhtiga iyo xiliga ay joogto,lakiin farxadkasta oo naftu u baahan tahay haddii aanay jirin Diin ama Waxyi xadidayaa waxa ay la kulmaysaa dhibaatooyin aan waxba laga qaban karaynin.
Islaamkuna wuxuu la yimid waji wanaagsan oo la jaan qaadi kara baahiyaha nafta bina Aadamka, iyo u soo jeesashadeeda dhanka dib-u-dejinta nafta wixii ku haboon haday tahay Cunto iyo haddii ay tahay Cabitaanba.
Qof kastaa waxa uu ka kooban yahay Jidh iyo Naf (Ruux) Jidhka Qofka ee muuqdaa waxaa laga yabaa hadii cudur ku dhaco in si fudud wax looga daawayn karo,Lakiin waxaa aad u adag sida qofna Ruuxdiisa loo daaweeyo,sababta oo ah waxa ay ku xidhan tahay shaqo badan iyo in uu ogolaado daawayntaasi.
Ma og tahay in Cudurka dhimirku (Waalidu) uu ka weyn yahay cudurada dabiiciga ah, taa bedelkeeda, cudurada dhimirka ku dhacaa waxay keeni karaan cudurada dabiiciga ah,taasi waxa aynu uga tusaale qaadanaynaa in Cudurada Diin la’aantu ay keeni karaan Cudurada Dabicigaa ee Dunida ka dhacaaya.
Diinta islaamku waxay la timid hab dhamaystiran oo nafaqeeya Ruuxda iyo Jidhka Qofka Adanaha ah,kaasi oo ka hortaga Werwerka isla markaana nadiifiya korna u qaada nadafada Nafaheena, waxaana tusaale kuugu filan in cudurkan ‘Coronavirus’ sida kaliya ee looga hortagi karaa ay tahay in jidhka la nadiifiyo,iyada oo loo maraayo habkii Waysada xiliga Salaada.
Ilaa hadda waxaa lala yaaban yahay Dawladahan sheegta horumarka oo aan waxba ka qaban Karin ,wax ugu yar ee ku dhaca is bedalka noloshooda .Hadana waxaa kasii yaabadan iyaga oo raadinaaya xalka Dunida iyo siday ku noolaan lahayd.
Hadaba marka ay dhibaatadu tahay dhaqankeena bulshada, sideen u doonaynaa inuu xalka u noqdo? Sideese aynu u codsan karnaa in aynu fiicnaano Caafimaad ahaan,saw la mid noqon mayno Qof dharkiisa aan wasakhda ka maydhin hadana doonaaya in uu markasta nadiif noqdo.
Islaam nimadu waa wax Ilahay lagu mahadiyo,waana Caafimaad Maskax iyo Jidhba hadii sida ay tahay loo raaco.
W/Q: Khadar Ibrahim Aar
France Paris