CISBITAALLADA AFRIKA UMA DHISNA MADAXWEYNAYAASHA AFRIKA! W/Q: KHADAR IBRAHIM AAR.

0
434

CISBITAALLADA AFRIKA UMA DHISNA MADAXWEYNAYAASHA AFRIKA! W/Q: KHADAR IBRAHIM AAR.

Waxaa jirta Maahmaah Afrikaan ah oo tidhaahda “”if a man does not eat at home, he may never give his wife enough money to cook a good pot of soup””haddii Ninku aanu wax ka cunin Gurigiisa, waxaa laga yaabaa in aanu marna Xaaskiisa siinin Lacag ku filan oo ay ku kariso Dheriga Maraqa  wanaagsan leh.

Dhacdooyinka ugu badan ee ka dhaca guud ahaan Qaaradda Afrika ayaa ah in Hoggaamiyeyaasha Afrika ay caafimaadka u raadsadaan dibadda, waxa ay ku tusinaysaa in aanay Dhakhatarada yar ee aan tayada lahayn ee ay dalalkooda ka dhisaan in aanay iyagu isku dawayn.

Waa arrin dhif iyo naadir ah in la arko Madaxweyne ,Raysalwasaare iyo dhamaan Wasiiro u dhashay Qarada  Afrikaan in ay Daaweyn iyo xarumo Caafimaad oo dheeli tiran in ay ka helaan dalkooda,sababta oo ah iyaga ayaan marka horaba ku talagalin in ay isku Daaweeyaan.

Dib u xasuuso Sanadkii 2017 waxaa halmar kulmay Madaxwaynayaasha ay ka midka yihiin , Muhammadu Buhariga Nigeria wuxuu u joogay Ingiriiska arin Caafimaad, Eduardo Dos Santos oo Angola ah wuxuu u joogay arin caafimaad Dalka Spain, Patrice Talonka Dalka  Benin ayaa isna ku sugnaa isla xiligaasi Dalka France gaar ahaan Caasimada Paris iyo Robert Mugabiga   Zimbabwe oo baadhis caafimaad u yaalay Isbitaalku yaala dalka  Singapore.

Waxa intasoo dhan kasii yaabadan dhacdadii  Sacuudi Carabiya 24 -kii Oktoobar, 2018, Madaxweynahii Gabon Ali Bongo Ondimba (ABO) oo shir halkaasi u yimi ,ayaa isla markiiba la dhigay isbitaal ku yaalla Caasimadda Boqortooyada Sucuudiga halkaas oo sida la sheegay qaliin lagu sameeyay.

Sidoo kale Oumar Bongo Ondimba oo Aabihii ah waxa  uu ku dhintay Bishii Juun 2009 xarun caafimaad oo Isbaanishku leeyahay kuna taala Barcelona, halkii uu ku dhiman lahaa Isbitaal ku yaala Dalkiisa Gabon.

Hadaba waxa aad u layaab badan xaataa marka ay Dibadaha shirarka ugu baxayaan waxa ay intaasi gaafwareegayaan Isbitaalo naftooda ay ku raaligalinayaan , waayo waxa uu dalkisii ku og yahay in aanu u samayn Isbitaal uu isku halayn karo, halkayse ku ilaaween dadkii ay masuulka ka ahayeen.

Waxaa xusid mudan Madaxwaynahii South Afrika Nelson Mandela uu ahaa Madxwaynahii kaliya ee  dalkiisa lagu Daweeyey laguna daryeelay ilaa uu ka Geeriyoonaayey,balse iyaga iyo Allahoode waxa ay hoosta ka xariiqaan  in Isbitaalada South Afrika kuwooda ugu caansan Gacantaba aanay ku haynin Dadka Madoobi.

Daryeel xumada iyo Dhakhtar la’aanta Afrika ka jirtaa ,waxa ay ku tusinaysaa  baaxadda nidaamka caafimaadka Afrika  ee naafada ah ,kaasi oo u muuqda in aanu kasoo raynayn marnaba.

Marka ay aad u xanuunsada Madaxda Afrika waxaa  si fudud loogu qaada Dalalka dibada ,balse Muwaadiniintu  waxay dhammaantood ku daalaan Isbitaallada dawladda ee Madaxwaynahuu iyo Wasiirkii Caafimaadka ee dhisayba uu iskaga huleeleen.

Cafimaad darada Afrika ka jirtaa waxa ay keentay in Cudurro badan oo dilaa ahi ay dhamaan dadka Afrika Carruur toodii iyo dhamaan Hooyoyinkiiba ay ku dhibaataysan yihiin dalka gudahiisa.

Hooyo kasta oo Afrika u dhalatay isla markaana bilaa’nafaqo ku nooli waxa ay Caloosha ku sidaa Ilmo marka uu soo dhasho ay sugayaan Isbarooyin aanu ka talaabsan karayn,sida Nafaqo darada Caloosha Hooyada kusoo haleesha,marka uu soo dhasho Dhaqaale daro iyo Cunto xumo ay u dheer tahay Waxbarasho la’aan.

Waxaa jira tusaalooyin badan oo ku tusiinaaya iyaga oo Madaxweynayaashii Afrikaanka ahaa ee daaweyn dibadda u doontay ,qaar badan ayaa iyaga oo Isbitaalo Dibada ah Kayuuga dhakhtarka ku jira ku Dhintay.

Dhacadadan u fiirso:

Ururka Caafimaadka Adduunka gaar ahaan  Guddiga Gobolka Afrika ayaa Bishii Ogosto 2017 shirkodii waxaa lagu qabtay Dalka  Zimbabwe, Madaxwaynahii dalkaasi xiligaa Robert Mugabe ,ayaa waxa uu shirka gudahisii si adag ugu dooday in maalgelinta caafimaadka ee Qaarada Afrika ay tahay in ay Hoggaamiyeyaasha Afrika ay xooga saari donaan isaguna uu yahay kan ugu horeeya.

Madaxwayne Mugabe ayaa muddo kooban kadib waxa uu noqday hogamiyihii ugu liitay dhinaca Xarumaha Cafimaadka ee Afrika , kadib wakhtiyar oo uu Xanuusadayna waxaabu si dhakhso ah ugu duulay Kumanaan Mayl Dal u jira si uu u helo Daaweyn caafimaad waxaanu ku dhintay dalka  Singapore.

Bishii Maarso 1984, Madaxweyne Axmed Sekou Toure oo u dhashay dalka Guinea oo 62 jir ah ayaa geeriyooday 26 sano oo uu Madaxweyne ahaa isaga oo laga Daaweyenaayey Xanuunka ka haleelay Wadnaha una tegay dalka Maraykanka.

Bishii Febraayo 2005, Madaxweynihii Togo Gnassingbé Eyadéma ayaa dhintay isaga xaalad caafimaad darro loo geeyey Dalka Israel, waxaanay Ganbada Dumarku ay tidhaahdaa Dilkisii waxaa ka danbaysay Israil.

Sannadkii 2016 -kii, Madaxda Afrikaanku waxay ku bixiyeen daaweyn dibadda ah lacag ka badan USD $ 6 bilyan, Nayjeeriya waa dalka ugu waxtarka liita dhanka Isbitaalada , Dadkooda wax haystaa  waxay sannad walba ku bixiyaan wax ka badan $ 1 bilyan Doolar waxa ay ugu magac dareen dalxiiska caafimaadka.

Halku dhigan la magac baxay “”Dalxiiska Caafimaadka”” ee ay samaysteen  Siyaasiyiinta Qaaradda Afrika ayaa waxa uu salka ku hayaa lunsiga iyo Boobka Hantida dadkan silcaaya ee noloshii kale la’daala dhacaaya.

Dhinaca kale Dhakhaatiirta u dhashay Wadamadan Afrika sida ay u dhan yihiin waxa la odhan karaa waxa ay xirfadan Caafimaadka u barteen qaab Macaash doon ah,waana mida iyada lafteedu lafdhabarta ka jabisay Dadwaynaha Afrika.

Ka shaqeynta horumarinta nidaamka Caafimaad ee Afrika in uu noqodo mid taabogal ah waxa uu u baahan yahay in la xoojiyo daacadnimada shaqada gaar ahaan dadka shaqada haya ee uu ugu horeeye Wasiirka Caafimaadku .Runtii arintaasi Afrika waa mid ku adag  waxayna u baahan tahay dhiirigelin qoto dheer, dareen adag , midnimo,  iyo sidoo kale xirfad -yaqaan daacad ah.

Halku dhig Male’awaal ah:

Waxaa hadlay Gooryaanka iyo Kaneecada disha Dadka Afrika , kutee sanadkasta waxa aan idinka Dilnaa Caruuro badan iyo dadyaw kale oo farabadan,sababtu waxa ay tahay “lacagi ma jirto””, haddana sidasoo ay tahay Balaayiin Lacag ah ayaad ku bixisaan Dorashooyinka Madaxda.

Qaar badan oo iyaga ka mid ah had iyo jeer waxay u safraan dibedda si ay u raadsadaan daaweyn caafimaad oo qaarkoodna ay halkaas ku dhintaan. Haddii kaabayaasheenna daryeelka caafimaad ay “ku filan yihiin”, maxay siyaasiyiintu ugu safri lahaayeen dibedda si ay baaritaan caafimaad ugu sameeyaan?

Imisaad aragtay Madaxwayne ay Dadkisii uu xukumaayey ay Gacantooda ku dileen,imisaayaad aragtay Madaxwayne Dalkisii laga cadhiyey kadibna darxumo iyo cafimaad darro ugu dhintay wadamada dibada,waxaasi oo dhan waxa keenaaya Musuqmaasaqa ka bilaabma Cafimaad darada dadka haysata.

Qisso gaaban:

Dhakhtar reer Yuruba ayaa waxa loo keenay Hogaamiye Afrikan ah oo Xanuusanaaya,waxaana loo sheegay in Hogaamiyahani uu Madaxwayne ka yahay dal Afrikaan ah isla markaana qani ah waxkasta,Dhakhtarkii waxa uu ku tiraabay hadal odhanaaya “” Waxba yaanu Dadka dhakhtar u samaynine Isaga uuni muu samaysto Xarun uu isku daweeyo””.

Haddaba, su’aasha macquulka ah ee Qoraalkeenan koobaysa ayaa waxa ay odhanaysaa : Waa maxay sababta Madaxda Afrika ku kalifaysay in ay Naftooda iyo tan dadkan ay xukumaan ugu samayn la’yihiin Xarumo Cafimaad oo tayo leh.

Maxaa kuu baxay

W/Q: Khadar Ibrahim Aar