Boorama(Halsan):- Taageerayaasha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa isu soo baxyo balaadhan ka sameeyay gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.
jamaahiirta ku labisan calanka liimiga ah ee xisbiga iyo boodhadh ayaa isu soo baxay fagaareyaasha magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka dalka waxaana kala qayb galay madaxda kala duwan ee xisbiga Waddani. Taageerayaasha jibaysan ee cuddudooda muujinayay ayay madaxdu u jeediyeen khudbado ku saabsan qorshaha horumarineed ee xisbiga Waddani iyo dhibaatooyinka xukumadda Kulmiye dalka dhaxalsiisay.
Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, Maxamed Biixi Yoonis iyo masuuliyiin kale ayaa kumanaan taageerayaasha Waddani ah kala qayb galay fagaaraha beerta xorriyadda Hargeysa oo ay ku dabaal dageen. Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isna magaalada Burco