Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo Garaacay Xildhibaan Xasan Cawaale+Xaalad Caafimaad oo Loo Dhigay Cisbitalka Weyn Iyo Wasiir Warancadde Oo Booqday.

0
844

Hargeysa(Halsan)Ciidamada qasriga Madaxtooyada Somaliland, ayaa qori dabaddii ku garaacay Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan mudaneyaasha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana hada xaalad caafimaad loo dhigay Cisbital-weyn ee Hargeysa.

Dad goob joog ahaa oo la soo xidhiidhay Mareegta Ramaasnews, ayaa sheegay in ay indhahooda ku arkayeen iyada oo Xildhibaanka ay afaafka hore ee Madaxtooyada ku garaacayeen Afar Askari, kuwaasi oo la dhacayey ayey yidhaahdeen qori dabaddii, waxaana ay wararku intaas ku darayaan in Xildhibaanku uu isku dayey in uu marka hore ergo ahaan u kala dhex-galo ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyo mid ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada oo ay is afdheefay, balse markii danbe ay ciidamada ilaalada Madaxtooyadu garaaceen Xidhibaan Xasan Cawaale Caynaan.

Ilaa hada lama oga sababta keentay in Xildhibaankan ka tirsan Xisbiga muxaafadka ah ee Xukuumadda Kulmiye, ay ilaalada Madaxtooyadu u garaacdo si arxan darro ah.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancade, ayaa cisbitalka weyn ee Hargeysa ku booqday Xildhibaanka, waxaana hada la sheegayaa in xaaladda caafimaad ee Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ay hada aad u fiican tahay.

 

Source Ramaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here