Ciidamo Sucuudigu Ka Dalbaday Xukumadda Somaliland Oo La Dhoofinayo

0
827

Hargeysa, Somaliland – saddex boqol oo askari oo laga soo kala xulay ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in maalmahan soo socda loo dhoofinayo dalka boqortoyada Sucuudi Arabiya si tobabar ugu soo qaataan. Ciidamaddan ayaa wararku sheegayaan inay wakhtigan ku gudo jiraan baadhitaankii caafimaad sii loo hubiyo in uu gudan karo waajibadka ciidan ee loo bahdo, isla markaana dhowaan loo diri doonno dalka Sucuudiga, waxaanay ka mid noqon doonaan isbahaysiga sucuudigu hogaaminayo ee dagaalka kula jira kooxaha Xuutiyiinta ee Yementa ka dagaalama. Xukumada Somaliland iyo taliyayaasha kala duwan ee cidamada qaranka sii rasmi ah umay shaacin lakinse dowlada dalka Sucuudiga ayaa waddo qorshe ay xulufo ku urursanayso, isla markaana uu doonayo inay ku badsaddo dalalka kala qaybqaata dagaalkaasi uu ku difaacayo dawladdii sharciga ahayd ee ay rideen xuutiyiinta Yemen. Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa wararku xusayaan inay ka mid noqonayso dalalka ka barbar dagaalamaya dalalka isku bahaystay ee Sucuudigu hogaaminayo ee ka dagaalamaya dalka Yemen.

XIGASHO: Codka hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here