Ciidamada Somaliland Iyo Koox Jidka u Gashay Dhaawacyo Laga Qaaday Laascaanood Oo Is Fara Saaray

0
256

Ciidamada Somaliland Iyo Koox Jidka u Gashay Dhaawacyo Laga Qaaday Laascaanood Oo Is Fara Saaray

Wararka ka imaanaya deegaanka Aricaddeeye ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dadka deegaanka qaarkood ay halkaasi isaga carareen, kaddib xiisad ka dhalaty gaari ay leeyihiin ciidamada Somaliland oo la rasaaseeyay.

Gaariga oo ah kan ciidamada Somaliland oo sida la sheegay siday dhaawac ayay fiidnimadii Sabtidii koox deegaanka ah dhexda u galeen oo xabbadeeyeen, ciidamada ayaa dhankooda la sheegay inay ku jawaabeen rasaas ay ku fureen magaalada, halkaasoo sida la sheegay khasaare uu ka dhashay, sida uu BBC-da u sheegay Cumar Axmed Dayib oo ka mid ah dadka deegaanka.

Dadka ka qaxay deegaanka Aricaddeeye – oo 30km u jira magaalada Laascaanood – ayaa waxaa ka mid ah kuwo markoodii horeba ka qaxay dagaalka Laascaanood.

Xaalka magaalada Laascaanood ayaa degganaa shalay iyo maanta, kaddib dagaal ka dhacay Sabtidii, oo dadku ay ku tilmaameen kii ugu cuslaa intii ay dagaalladu ka socdeen magaalada.