Ciidamada Itoobiya oo Maaafiic ku garaacay deegaan ay ku shirayeen Saraakiil Al-Shabaab ah oo ka tirsan Galgaduud Somaliya

0
665

Wararka ka imaanaa degaanka Ceel Cambuulo oo hoostaga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ee Dalka  Somaliya ayaa Ciidamada Itoobiye ee ku sugan Ceel Garas waxay ku garaaceen halkaasi madaafiic dhowr ah oo Hoobiyaal u badnaa.

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa la soo warinayaa inay madaafiicda ay la beegsadeen  Al-shabaab Saraakiil ka tirsanoo shir uga socday halkaasi, iyadoo dadka deegaanka ee madaafiicdu ku dhacday ay soo sheegayaan in Madaafiicdaasi ay geeysatay Khasaaro kala duwan.

Dhanka kale Ciidamada Itoobiya ayaa maalmahaan dhaqdhaqaaqyo ka waday qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud, kuwaas oo qorsheynaya in ay Shabaab ka saaraan Goobaha ay Galgaduud ka maamulaan.