Ciidamada Itoobiya oo baneeyey magaalo kale oo ku taalla bartamaha Somalia

0
565

Ciidamada Itoobiya oo muddo sanado ah ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa maanta halkaas isaga guuray.

Magaalada ayaa waxaa ka arrimiya maamulka gobolada dhexe ee Ahlu sunna, waxayna wararku sheegayaan in ciidamadii ugu badnaa oo Itoobiyaan ah ay ka baxeen xeryihii ay ka degenaayeen Magaaladaas.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ayaa isla maanta ka gudbay xadka gobolka Galgaduud , iyagoo galay degaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Maalmahan dambe ayaa ciidamada Itoobiya waxay wadeen Qorshe ay uga baxayaan qeybo ka mid ah magaaloyinka ay ka joogaan Soomaaliya.

Dhuusamareeb ayaa waxaa laga dareemayaa cabsi ku aadan in xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Galgaduud ay soo weeraraan.

Todobaad ka hor ayey aheyd markii ciidamada Itoobiya ay sidoo kale baneeyeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay joogeen muddo sadex sano ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here