Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa maanta la wareegay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe, kadib markii ay isaga baxeen Kooxda Al-Shabaab. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya ay dagaal la’aan maanta kula wareegeen Degmada Aadan Yabaal, waxaana degmadaasi faarujiyay dagaalyahandii iyo saraakiishii Al-Shabaab oo mudo sanado ah halkaasi ku sugnaa. Dagaal xoogan ayaa duleedka degmada Aadan Yabaal shalay ku dhax maray Ciidamada Huwanta ah iyo kuwa AMISOM, waxa ayna ciidamada huwanta maanta ugu dambeyn gacanta usoo gashay Degmada Aadan Yabaal . Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo kawaday Gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna dhawaan la wareegeen Degmooyin iyo deegaano kuyaala gobolkaasi ay horey u joogeen Al-Shabaab. |