Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda oo Xubno Shabaab ah ku qabqabtay Gudaha Baardheere.

0
833

Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Dalka Somaliya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo is garab sanaya in baaritaano ay ku sameeyeen magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo inay ku soo qab qabteen dhalinyaro la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
C/raxmaan Al-ansaari oo ka mid ah Sarkiisha Ahlusunna sheegay in Ciidamada isku dhafka ah ay gacanta ku dhigeen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo qaab dhumaaleysi ah ku joogay Magaalada Baardheere.
Dhanka kale Sarkaalkaasi u hadlay Ahlu sunna wuxuu sheegay in Al-shabaab markii ay ka baxeen Magaalada Miinooyin ay ku aaseen, islamarkaana lagu guuleeystay in laga saaro miinooyinkaasi, isagoo sheegay in inta harsan miinooyinkaasii laga saari doono meelaha ay ku jiraan.