Cid kasta oo dambi ka gasha qaranka waa la xidhayaa..”Badhasaabka Togdheer Oo Eedeeyay Suldaanka Uu Xidhay Ee Maxamed Muuse Cune

0
858

Hargeysa(Halsan) :- Badhasaabka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay inuu isagu xidhay Suldaan Maxamed Muuse Cune, oo ka tirsan hogaanka dhaqanka Gobolka Togdheer. Waxa uu ku eedeeyay Suldaanka inuu ku dhawaaqay haddalo qarannimada ka dhan ah.

 

Suldaanka ayaa sabtidii ciidamada ammaanku ku xidheen xabsiga dhexe ee Burco, waxaanu xadhigiisu yimid maalin uun ka dib markii Suldaanku Shir jaraa’id ku qabtay Burco, kaasi oo uu ku naqdiyay xukumadda Siilaanyo gaar ahaana hadal hanjabaad ahaa oo Wasiirka daakhiligu ku sheegay inuu cagta marinayo ciddii dawladdnimada ka soo hor jeedsata.

 

“Cid kasta oo dambi gasha oo qarankan ka gasha waa la xidhayaa, waayo? Dee haddaynu sharci iyo kala dambeyn yeelan wayno mushkiladdeeda ayay leedahay” ayuu yidhi Badhasaabka Togdheer, waxaanu intaasi raaciyay “Suldaanku gef weyn buu ka galay qarankan, wuxuu ku talo galay in qarankani dumo, wuxuu yidhi cashuur yaan la bixin, hala kaco, waxaanay cadawgeenu wali odhan ayuu yidhi”

 

Badhasaabka ayaa ku hanjabay inuu xidhayo cid kasta oo arrimahaas ku kacda “Isaga iyo qayrkiiba wixii waxaas ku kaca, ee qarannimada gef ku sameeya waa la xidhayaa, waana la xukumayaa, sharciga ayaana la marinayaa. Hadda suldaanka waxaa hawshiisa wadda xeer ilaalinta isna faylkiisa wuu furtay” ayuu yidhi Badhasaabku.

Suldaan Maxamed Muuse Cune, oo ka mid ah salaadiinta waaweyn ee Somaliland ayaa ka soo horjeeda siyaasadda xukumadda Siilaanyo marka loo eego sida uu u naqdiyo go’aamada Xukumadda ka soo baxa, lamana oga ilaa wakhtiga uu xadhigiisu qaadan doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here