Chelsea Oo Soo Laabasho Cajiib Ah Guul Muhiim Ah Kaga Soo Gaadhay Kooxda Southmapton, Francesc Fàbregas Oo Blues Ciyaarta Ku Soo Celiyay Iyo Branislav Ivanović Oo Dhamadka Ciyaarta QALBI jabiyay Southampton Xili Blues Ay Soo Heshay Saddex Dhibcood Oo Qaali Ah

0
645

Chelsea ayaa guul soo laabasho cajiib ah ka soo gaadhay kooxda Southampton kulan ay kooxda Saints qaybta hore hogaanka ku haysay 1:0 laakiin goolal ka kala yimid Fabregas  iyo Branislav Ivanović ayaa tababare Guus Hiddink iyo kooxdiisu ay ku gaadheen guul aad muhiim ugu ah kalsoonidooda. Chelsea ayaa mar u muuqatay in ay markale guuldaraysanayso laakiin isbal wayn oo ay Blues samaysay qaybta danbe ayaa guushan u soo hoysay.

Kooxda Southampton ayaa soo dhawaynaysay dhigeeda Chelsea, waxayna Saints kulankan ciyaaraysay iyada oo aan lixdii kulan ee ugu danbeeyay horyaalka Ingiriiska laga badin isla markaana aan wax gool ah laga dhalin, waana rekoodh ay adag tahay in xili ciyaareedkan ay kooxi gaadho.

Si kastaba ha ahaatee kooxda Guus Hiddink ee horumarka samaysay ayaa diyaar u ahayd in ay Southampton guul ka soo gaadho si ay kalsoonideeda si buuxda dib ugu hesho, laakiin waxaan guul ahayn oo ay Blues la soo laabato ayuu Hiddink maanka kuhayay in ay markale hoos u dhigi karto maskax guulaysiga kooxda koobka horyaalka Ingiriiska haysata ee Chelsea.

Shixihii labada kooxood ee kulankan:

Southampton (5-3-2):Forster, Cedric, Clasie, Fonte, Long, Davis, Romeu, Van Dijk, Bertrand, Austin, Targett

Kadyka:Stekelenburg, Yoshida, Mane, Tadic, Martina, Ward-Prowse, Pelle

Chelsea (4-2-3-1):: Courtois; Azpilicueta, Cahill, Ivanovic (kabtan), Baba Rahman; Mikel, Fabregas; Pedro, Willian, Hazard; Diego Costa.

Kaydka: Begovic, Matic, Loftus-Cheek, Kenedy, Oscar, Traore, Remy.

Shan daqiiqo oo kaliya markii ay ciyaartu socotay ayaa ciyaarta dhaawac looga saaray xidiga ree Spain ee Pedro Rodriquez kaas oo uu soo gaadhay dhaawac muruqa ahi waxaana lagu soo badalay Oscar dos Santos. Pedro ayaa garoonka ka baxay isaga oo luudaya waxayna arintani ay Guus ku keentay in uu xili hore shaxdiisa uu isbadal ku sameeyo.Kooxda martida loo ahaa ee Southampton ayaa ku ciyaaraysay kalsooni badan, waxayna qaab ciyaareed fiican ku raadinaysay sidii ay u jabin lahayd difaaca Chelsea laakiin sidoo kale Blues ayaa doonaysay in ay Saints goolkaga hoga hormarto si ay kalsooni buuxda u hesho, laakiin ciyaarta qaybteeda hore ayaa bilaa gool ahayd ilaa dhamaadkii.

Daqiiqadii 42 aad ayay Southampton heshay fursada ay muddo dheer raadinaysay waxaana goolka furitaanka u saxiixay Shane Long kaas oo goolkan ku dhaliyay qalad xun oo uu sameeyay Abdul Rahman Baba, wuxuuna qaladkani sabab unoqoday in Saints ay hogaanka ciyaarta ku qabto 1:0.

Kulankan ayaan ahayn mid ay labada kooxood sameeyeen bartilmaameedyo badan oo goolal lagu dhalin karayay, Southampton ayaa heshay hal bartilmaameed waxayna u badashay goolkeeda halka Chelsea ay hal bartilmaameed oo ay samaysay ayna ku guulaysan in ay gool ku dhaliso, waxaana qaybta hore lagu kala nastay 1:0 ay Southmapton hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta tababare Guus Hiddink ayaa ciyaarta ka saaray Abdul Rahman Baba Baba oo sameeyay qaladkii Blues goolka looga dhaliyay wuxuuna ciyaarta soo galiyay Robert Kenedy, waxayna Chelsea bilawday in ay si buuxda ciyaarta ugu soo laabto.

Kadib markii ay Blues lumisay fursado badan isla markaana ay qaab ciyaareed fiican ay soo bandhigtay ayay ugu danbayn daqiiqadii 75 aad heshay goolkeeda barbaraha ,waxaana goolka soo laabashada Chelsea muhiimka ka ahaa dhaliyay Francesc Fàbregas kaas oo goolkan ku dhaliyay kubbad uu caawinteed lahaa Diego Da Silva Costa waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.Chelsea ayaan dadaalkeeda halkaas ku joorin waxayna markan raadisay goolka ay si buuxda ciyaarta ugu soo laaban kartay waxayna goolka guusha ee qalbi jabiyay Southampton madaxa ku dhaliyay  Branislav Ivanović kaas oo hore u lumiyay fursado cajiib ah laakiin daqiiqadii 89 aad ayuu Ivanovic uu noqday halyay Blues guul xili danbe ah ku hogaamiyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ah Blues dhinaca kale ugu dhigtay hogaankii qaybta hore looga hayay. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay guul ay waqtiga dhamaadka Blues ka soo gaadhay Saints.

vchelsea8 chelse0 chelsea3 Chelsea-2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here