Cawaaqib Xumada Ka Dhalan Karta Komishanka Qaranka Oo La Kala Diroiyo Xalka Rasmiga Ah by Hurre
Cawaaqib xumada ka dhalan karta komishanka qaranka oo la kala diro iyo xalka rasmiga ah.
Waa maxay cawaaqibta ka imankarta haddii madaxwaynuhu awood u yeesho inuu kala diro komishanka?
Hordhac:
Inta badan waan ka gaabsadaa inaan saaxada siyaasadda somiland ka hadlo maadaama aan qurba joog ahay. Waxay ahayd 2009 markii aan maqaal dheer oo talo bixin ah usoo bandhigay dawladdii Mudane Riyale oo ahayd waqti arimo noocan ah oo doorashooyinka la xidhiidhaa ay taagnaayeen.
Maadaama oo
aanan inta badan saaxada siyaasadda isku mashquulin shuruuc badan oo dalka ka jirtana aanan daraasad ama baadhitaan ku samaynin, waxa laga yaabaa in aanan sibuuxda arinkan komishanka u asiibin, hase ahaatee aniga oo aqoontayda siyaasadeed iyo maamul kaashanaya ayaan is yara dul istaagi.
Falanqayn:
Qaabkee ayuu komishanku ku yimid?
Su’aashan waxan meesha usoo dhigay waxa weeyi unug kasta oo maamul ama siyaasadeed ama dawladeed waxa uu leeyahay hanaan iyo qaab uu ku soo baxo iyo qaab uu ku suulo ama ku tago.
Sida caadiga ah Komishanku maaha xisbi siyaasadeed oo doorasho shacbi ku yimid. Mana aha unug siyaasadeed oo madaxwaynuhu awood gaara u leeyahay inuu soo doorto ama kala diro. Hase yeeshee waa hayad qaran oo ka dhaxaysa xisbiyada, shacbigana ka wakiil ah. Waana inuu siyaasada xisbiyada loolamaya ka madaxbanaadaa oo dhexdhexaad ahaadaa. Shaqadiisuna ku koobnaataa hirgalinta doorashada iyo ilaalinta codka wadaniga. Waa muhiim in qodobkaas la fahmo.
Haddii uu madaxwaynuhu awood gaara u yeesho inuu hayada dhexaadka ah kala diro, taasi waxay u gogol xaadhaysaa nidaam kali talisnimo, waxanan ku talin lahaa raga ku baaqaya in madaxwaynuhu kala diro komishanka inay ka waantoobaan arinkaas, raadka uu reebyana ay ka fiirsadaan. Ka waran haddii madawayne wadan uu yidhaahdo komishan jira oo sharci ku dhisan ayaan kala dirayaa iyada oo xisbiyada kale aanay arinkaas la qabin. Siyaasiyiinta malaha caadifad ayaa qaaday oo ma arkaan inay madaxwaynaha ku dhiirigalinayaan xukun kali talisnimo marka ay ugu yeedhayaan inuu komishanka qaranka kala diro. Haddii ay hore u dhacday waa arin qaldan nidaamka dimoqraadiyadana baalmarsan. Waa arin u baahan sixitaan oo golalaha sharci dajintu ay tahay inuu sharcigeeda mariyo.
Dhinac kale bal akhristaw ka eeg. Haddii uu madaxwaynuhu aqbalo codsiga xisbiyada ku andacoonaya in aanay ku kalsoobayn komishanka oo sidaa lagu kala diro majiro wax xisbi u diidi kara inuu ku doodo kuma kalsooni xubnaha cusub ee lagu badalay. Dariiq aan dhamaad lahayn ayuu arinkaasi furayaa. Markaa halaga fiirsado khatarta iyo cawaaqib xumada arinkaas ka dhalan karta. Waxa dhici karta in is marin waa adagi dhaco taas oo helayn karta abid (permanently) doorashooyinka iyo hanaanka dimoqraadiyadeed. Khatarta iyo aafada ka imankartaana ay tahay in shacbigu isku dhaco oo dhiig daato. Arinkaas oo colaada sokeeye ee ka dhalataa aanay daba la qabto yeelan doonin. Si xooglana cadawga Somaliland uga faaiidaysan doono.
Qaabkee ayuu ku dhisanyahay komishanku?
Sida aan ogsoonahay komishanka qaranka Somaliland waa mid ku dhisan hab xisbiyeed. Xubnaha komishanka xisbiyada ayaa keenay oo waa cidda ay ku kalsoonyihiin inay ilaaliyaan doorashada. Golaha sharci dajintuna wuu sharciyeeyay.
Iyada oo ay taasi jirto ayaa hadana uu komishanku yahay mid dhexdhexaad ah oo u dhaarsan hawlgalinta iyo ilaalada doorashooyinka iyo xaqa codka muwaadinka. Maadaama uu kaasi yahay qaabka uu ku dhisanyahay komishanku madaxwaynuhu ma u yeelan karaa awood gaar ah. Arinku waa maya, awood uma laha madaxwaynuhu inuu kala diro. Xisbina awood sharci uma laha inuu kala diro ama soo jeediyo kala dirkooda. Waxa kaliya ee awood sharci u leh inuu kala diraa waa golihii sharciyeeyay jiritaanka hayada. Arintaasina waxay iman kartaa oo kaliya marka ay dhacaan wax aan caadi ahayn oo sobobta in hayad dhan oo qaran albaabada loo laabo mar kaliya. Shaqsi waa la eedayn karaa oo danbiyo ayuu qaranka ka galay waa la odhan karaa oo haddii ay eedaymahaasi ku cadaadaan baadhitaan kadib, shaqada waa laga eryi karaa, laakiin hayad dhan oo qaran lama kala diri karo. Dhisnaanta iyo ilaalada sharci ee hayadaha dawladu waxay kamidtahay asaasyada xadaarada ee bulsho, maxaa yeelay hayad kastaa waxay leedahay cilmi iyo xirfad gaara oo qofku aanu helayn ilaa uu mudo kasoo shaqeeyo mooye. (organisational capital knowlege).
Siyaasiyiinta maanta ku baaqaya in komishanka dhamaantii la kala diraa malaha ma arkayaan khasaaraha aqooneed, xadaaradeed iyo burburka nidaam ee arinkaas ka dhalan karta. Midda kale komishanka qaranku ma dukaanbaa kolba qof la keenaayo. Maya sifaha qofku xafiiska ku imanayaa waa inay ahaataa sifo sharci. Sifaha uu ku tagayaana waa inay ahaataa sifo sharci.
Gunaanad:
komishanka qaranku hawl wayn oo culus ayuu qaranka iyo shacbiga Somaliland u hayaa. Hayad ahaana lama kala diri karo haddii la tixgalinayo qodobadan:
- Amaanka iyo jiritaanka Somaliland. Sida aan kor ku xusay waa arin mugdi iyo khatar wayn Somaliland u horseedi karta. Sida muuqata waxa soo ifbaxaya ifafaale ah ‘waa la kala tashan’ taas oo khatarteeda aan la dhayalsan karin.
- Geedi socodka xadaaradeed ee Somaliland. komishanku waa hayad dawladeed. Shaqsi wuu tagi karaa laakiin wakiilada hayadu ma wada tagi karaan ilaa laga helo dad u tabobaran xirfadaha gaarka ah ee hayada, haddii kale waxa lumaysa xadaarada mudada soo jirtay.
- Qaabka komishanka oo ah qaab ku salaysan qaab xisbiyeed sida ay iila muuqato. Taasina waxay ku tusaysaa inaanu xisbina xisbi ku qasbi karin inuu xubintiisa badalo. Waa suurtogal in xisbigu xubintiisa kalsoonida kala noqdo oo uu badalo haddii aanu ku kalsoonyn, iyada oo waliba xisbigu marayo sifo sharci.
Xalka:
- Xisbiyada soo jeedinaya kala dirista komishanku was inay joojiyaan codsigaa. Haddii ay xubnaha ku eedaynayaan inay khiyaamo qaran ku keceen waa in sifo sharci loo maraa oo dacwad maxkamadeed la gudbiyaa.
- Haddii uu xisbi aanu ku qanacsanayn kaalinta xubintiisa, dhaliilana ay hayaan wuu badali karaa xubintiisa iyada oo la marayo sifo sharci, lana hubinayo shaqsiga la siinayo kalsoonida qaran, aqoontiisa, kartidiisa, iyo daacadnimadiisa.
- Tirada iyo sinaanta xubnaha xisbiyadu maaha muhiim haddii aan la rabin in komishanku ku dhex milmo siyaasadda xisbiyada. Waxana ka hufan in xubno madax banaan oo u qalma mansabkaas lagu kordhiyo. Kordhintaasina waxay u baahantah waqti iyo ka fiirsasho. Laakiin waa suurtogal in lagu kordhiyo ka hor doorashooyinka fooda inagu soo haya, haddii golaha sharci dajintu u dhaqaaqo hawshooda iyo soo xulitaankooda.
Dardaaran:
- Aqoonyahanka iyo wax garadku waa inuu arimaha khatarta ummadda I horseedi kara maskax furan oo caadifad, siyaasadeed iyo qabiil ka fog ku eegaa. Fikir aragti dheer ku qotomana arimaha bulshada xal ugu raadiyaa. Waan baahanay looma cuno bakhti.
- Shacbigu waa inuu foojignaadaa oo arimaha amaankooda khatarta galin kara iyo hadalada siyaasigu ku beerlaxawsanayo een ku salaysnayn fiiro dheer ka fiirsadaan. Danaha gaarka ee shakhsi iyo xisbiyada siyaasadana ha loo fiirsado oo yaan dan gaar ah oo shakhsi, xisbi ama kooxeed loo lumin danta guud iyo geedi socodka xadaaradda maamul ee Somaliland.
- Hayadaha garsoorku waa inay ku shaqeeyaan cadaalad si looga badbaado kharaha iyo aafooyinka cadaalad darada. Masuuliyiinta garsoorkuna waxa ay tahay inay ogaadaan shaqada ay hayaan inay tahay shaqada ugu muhiimsan ee noolaha. Aasaasna ay utahay nolosha aadamaha. Sida nooluhu ugu baahanyah oxygen ka ayuu cadaaladana ugu baahanyahay. Noolaha oxygentu ku yaraato noloshiisu cidhiidhi ayey gashaa, hadduu wayana nololi majirto. Hana ogaado masuulka garsoorku waxyeelada uu aadamaha gaadhsiinayo marka uu baalmaro caddaalada. Dawladda iyo dadkana waxan leeyahay arinkaa mudnaanta koowaad halasiiyo oo yaan qofka nolosha ku lidka ah (cadaalad diidka) loo hiilin, masuuliyad cadaaladeed iyo umadeedna laga fogeeyaa.
- Warbaahintu waa inay war hufan oo aqoon, xilkasnimo iyo xirfad falanqayni ku dheehantahay usoo gudbiyaan shacbiga. Waajibka saarana waxa weeyi inuu xaqiiqada warka uu tabinayo hubiyo inta awooddiisa ah. Aragtidiisuna waa inay tahay mid ka madhan oo ka madax banaan caadifad nooca ay doontaba ha ahaatee, siyaasad are qabiil. (Objective).
- Afartaa qodob haddii la helo oo la dhaqan galiyo siyaasiga waa la hagi karaa oo waxa la soo saari karaa siyaasi hanwayn oo mabda iyo yool leh, oo ummada u horseedi kara barwaaqo iyo xadaarad lagu soo hirto.
Allaa Mahadle
Qore:
Mowliid Ali Hure