Catalonia Oo u Dareeray Doorasho Cusub

0
625

Catalonia Oo u Dareeray Doorasho Cusub

 

Shacabka reer Catalonia ee dalka Spain ayaa maanta u dareeray doorasho ay ku dooranayaan barlamaanka maamul goboleedka Catalonia, iyadoo dowladda dalkaasi na ay ku raja weyntahay in doorashadani ay soo afjari doonto qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan halkaasi.

Mas’uuliyiinta Xukumadda Madrid ayaa horay u kala diray maamulkii Catalonia kaddib markii ay wax ka abaabuleen afti sharci darro ah oo ay doonayeen inay kaga madaxbananadaan Spain inteeda kale.

Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Catalonia Mr Carles ayaa qaab muqaal kula hadlay dad dhigayay isu soo baxyo xili uu ku sugnaa dalka Belgium-ka, halkaas oo u baxsaday.Ra’yi uruurin la sameeyay na waxaa lagu ogaaday in labada dhinaca ee isku haya siyaasadda ay aad isugu dhawyihiin.

Weriyha BBC da ee Yurub ayaa waxaa uu soo sheegayaa in doorashadani ay sii hurin doonto halki laga filayay inay xal u noqoto xasaradaha ka taaagan Catalonia.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here