Hargaysa(Halsan):- Gudoomiyaha Xisbiga Taladda Haya ee KULMIYE,ayaa maanta Hotel Ambasaddor waxa uu qeddo-sharaf ugu sameeyay Beesha Abokor Muuse (Ciiddagale),waxaana la sheegay inuu Kulankaasi qeyb ka yahay Kala jiidashadda iyo Hanashadda Xubnaha Gollaha dhexe ugu jira Beesha Abokor Muuse Xisbiga KULMIYE,waxaana Kulankas ka qeyb galay Dad badan oo iskugu jira Madax, Salaadiin,Cuqaal,ganacsto,aqoon-yahan iyo dhalinyaro.
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE,ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxa uu Magaaladda Hargaysa ku samaynayay Xafladdo aad u badan,kuwaas oo dhamaantood uu uga danlahaa in loo damaanad qaado inay Xubnaha Gollaha dhexe ee Beelaha Somaliland ugu jirtaa ay Codka siiyaan xiliga la dooranayo Murashaxa Jagadda Madaxtinimo ee Xisbiga KULMIYE,Taas oo la filayo inay dhacdo Bisha soo socota ee November,waxaana cirka isku sii shareeraya Loolan adage e ka dhex-aloosan Gudoomiyaha Xisbiga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo labadooduba si weyn ugu loolamaya Musharaxa Jagadda Madaxweyne-nimo ee Xisbiga KULMIYE.
Kulankan uu maanta Muuse Biixi la yeeshay Beesha Abokor Muuse,ayaa la filayaa inuu tageero badan oo kaga heli doono Beesha marka la gaadho Doorashadda Gollaha dhexe ee la wada sugayo.