Calina Inoogu Yeedha!

0
619

Calina Inoogu Yeedha!

Waxay ku beegnayd wakhti xaalad amaan daro ka taagnayd degmooyin ku yaal Sanaag Bari .  waxaa Qasriga Madaxtooyadu ku arin sanaayey sidii hawlahaa halkaa ka taagnaa loo wajihi lahaa shakhsiyaadka hoosta kuxusan oo Qaranka oo dhan matalaayey!.  Goor-sheegta afrikada bari waxay caga-cagaynaysay 7:00 fiidnimo. Waxaa xarunta qasriga madaxtooyada ku sugnaa afarta xubnood ee giraanta maamul-qarqooshka dalka wareejiya sida;  Khadiija Macalin , Muraayad Garaad, Usssaama, iyo Xirsi Gaab. Hadda Madaxweynihii dalkuna amintaasi sariirta ayuu yaalaa!!  Xubin kamida afartaa aynu xusnay ayaa ku tiraabay Cali –Gobanimana inoogu yeedha!.  Cali goortaasi waxa uu kasoo rawaxay madarasad lagu dhigto ingiriisiga dadka waaweyna oo Kooshin One ayuu marayaa! Gurigiisii markuu sidaa usoo galay ayaa waxa uu yidhi telefoon ayaa igu soo dhacay oo madaxtooyada oo ay intaasi ku shirayso lanagana arinsanayaayo arimahaa ayaan kala qayb galayaa ee iska sii fadhiya. Waa FAJICISO IYO YAABKA –YAABKII !! Meeye Madaxweyne xigeenkii dalku ee shacabku soo doortay? Meeye wasiirkii Arimaha guduhu? Meeye Wasiiradii kasoo jeeday Goboladaa bari? Meeye lataliyiihii gobolada bari? Meeye lataliyayaashii siyaasada iyo gaashaandhigu?

Gabagabadii; Doon afduuban ayaynu saaranahay inay degtona u dhaw , Alle ayaynu se ikranaynaa inuu naga badbaadiyo .

Lasoco xogo kale oo muhiima…………………………………………..!

Cabdirasaaq Askar

Halsan Media Group

Hargeysa,Somaliland