Cali Gurrey afar kabood oo laba-ba dhan u jeedo ayuu xidhan yay by Abdi Mustafe

0
686

Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badane
Aan doonihayn inaad heshana daayin adbidkiiye
dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dah-soonayne
Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo kitaab dayo e
Cali Gurrey waayadan danbe waa lagu fahma guuraa oo wuxuu dadka uula muuqdaa nin afar kabood oo lababa dhan eegeyso xidhan. Laba kabood xafiiska xisbiga Ucid bay eegayaan laba na madaxtooyada ayay eegayaan. Cali isla maalin qudha ayuu marna xukuumada ku qaad qaadayaa marna odhanayaa mucaaridku gudihiisa islama fahansana ujeedada shirka mucaaradka oo uu shaki gelinayaa cida maamulaysa. Cali wuxuu u eegyay nin mudadii mucaardka uu ahaa ay ku dheeraatay. Abwaan Qassim wuxuu yidhi mar badhasaabkii Bidhiidh la xidhay oo ay is dacaayadeyn jireen:Haw baqan bidhiidhow sanad waa bil oo kale e. Isku soo xoori, xisbiga UCID waxa jooga musraxiisii iyo ku xigeen kiisii hadaba Cali yaanu ka dheereynin nimankaa afarta kabood na laba ha iska bixiyo wey ku badanyiin e.
Abdi Mustafe