Cali Gadheer oo Dhuumasho Ku soo Galey Berbera,Kadib Markii Madaxweyne ku xigeenku Shuruud kuxidhay Wareejinta Hamaaha Shidaalka+Rusheyta Cali Xoor-xoor

0
583

Berbera(Halsan):-Wasiirku Xigeenka Xanaanada Xoolaha Somaliland ahna Wakiilka Dawlada u qaabilsan Gobolka Saaxil iyo Wareejinta haamaha shidaalka Cali Maxamed Cilmi(Cali Gadheer), ayaa Dhuumasho kaga Soo guryo noqday dhinaca caasimada Somaliland ee hargeysa, kadib Markii Maalintii shaley aheyd uu Berbera ka baxay,amar kaga yimi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C.raxmaan Saylici,oo ku Amarey inuu Soo galo Madaxtooyada,oo ay ashkato badani u taalo.
waxaana Sida la sheegay Wasiir Cali Gadheer ku dhacday Canaan Badan oo uu soo jeediyey Madaxweyne kuxigeenka Somaliland C,raxmaan Saylici ,Canaan taas oo aheyd Xadgudubyadii Wasiirku ka galey Magaalada Berbera,ee ku xidhay Wariyayaasha, halka uu amrey in la soo xidho Odayaal iyo Waxgarad Reer Berbera,oo ay Wasiir Cali gadheer ku kale aragti duwanadeen,Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera,
waxaana xogaha Mandheeranews helaysaa tibaxayaan in Madaxweyne ku xigeenku Cali Gadheer ku Amrey in Haamaha Shidaalka aan la wareejin karin inta Madaxweyne Silaanyo dalka ku soo noqonayo,islamarkaana,u soo jeediyey inuu Joojiyo Fadqalalada uu ka wado Wasiirku Xarunta Gobolka Saaxil ee Magaalada Berbera,islamarkaana waxa uu Madaxweyne C.raxmaan Saylici Xalinta iyo Dejinteeda Magalada Berbera uu xilsaarey Cali xoorxoor,oo ah Mareeyaha Dekadda oo isagu ka soo noqday Xajkii.
Dhinaca kale Wasiir Cali Gadheer ayaa La sheegay inuu Amarkaasi uu Madaxweyne ku xigeenku Bixiyey,aanu uqudh-qudhsamin isagoo ka biyo diidsan,islamarkaana isku haleynaya kalsoonida Marwada Madaxweynaha Aamino Waris oo iyadu ka shaqeysay in Madaxweynuhu u Wakiil uga dhiga Gobolka saaxil ,ayaa Madaxa uRuxey Amarkaasi, islamarkaasina waxa uu shidhka Dambe usoo galey Mareeyaha Dekadda Berbera Cali Xoorxoor oo isaga Madaxweyne kuxigeenku u soo xilsaarey inuu qaboojiyo Kacdoonada uu kiciyey, Wasiir Cali Gadheer, kuwaasi oo ah kuwo lagaga soo horjeedo in Shirkado Macaash Doon ah lagu Wareejinta haamaha Shidaalka Berbera.
Waxaana la sheegay inuu Cali Xoor xoor bilaabey Hawlaha qaboojinta Kacdoonada ka taagan Berbera, islamarkaana
Waxa uu Mareeye Cali isku dayey inuu xidhiidh la sameeyo, Odayaashii iyo Waxgaradkii Buuraha Bariga Berbera Galey, ee ka xanaaqey Hanjabadii Cali Gaani,waxaana Mareeye Cali uu la xidhiidhay qaar kood dhinaca khadka telephone,isagoo ka codsaday inay Xaalada Dejiyaan,islamarkaana soo galaan Magaalada,Balse sida la sheegay Odayaashasi iyo Mujaahidiintani wey ku gacan-seydheen,islamarkaana Waxay Mareeye Cali ushegeen inay Go’aan Cad ka qateen Boobka lagu hayo Hantida Qaranka ee Berbera,islamarkaana aney daawan karin Xaaladu halka ay Mareyso.Waxaana Xogaha ay helayso Mandheeranews ay tibaxayaan,inay 5 shuruudood ay ku xidheen Wado hadal lala galo, shurudahaasi oo kale ah
1. in xukuumadu ay gacan dawlada ku soo celiso Xaruntii kalumeysiga ee ay ku wareejisay Ganacsatada iyo shakhsiyaadka qaraabada la ah Madaxtooyada
2. in Gacanta Dawlada lagu soo celiyo Warshadii laydhka Berbera ee Xukuumadu ay ku wareejisay Shakhsiyaadka Gacansaarka dhaw la leh Madaxtooyada
3.in dhulka Freezone ee la xayiray lagu wareejiyo Mujahidiintii la heyd
4.in Haamaha Shidaalka Berbera ay Xukuumadu gacan ku hayso, islamarkaana lacagta lagu horumarinayo ay bixiso.
5. in Cali Gadheer kasoo qaybgalin Madasha Wado hadalka

Xigasho: Oodweynenews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here