Marka hore waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii, ehelkii iyo asxaabtii ay ka baxeen boqolaalka dhalinyaro ee bada ku leeday waxaanan leeyahay samir iyo iimaan alle ha inaga wada siiyo.
Manta maalin madow ayay u tahay ummada Somaliland ; qadar ayaase dhacay waana aynu ka murugaysan nahay, waxaase mudan in la tilmaamo sababaha ay dhalinta Somaliland ay badda isugu gurayaan oo ay isugu biimaynayaan sanadihii u dambeeyey ee uu dalka ku magacawnaa odaygan da’da ah ee lasoo lugooyey waa siilaanyo e.
Maanta qoraalkaygani waa mid ka turjumaya dabar go’a dhalintii iyo midhihii dalka ee manta noqon lahaa masuuliyiinta barito. Dhamaate dhalintiiye yaa bari ina badali doona ? waxaa ina badali doonaa dhismayaasha dhagaxa qoran lagu xardhay ee dayrarka wasaaradaha dawlada ka muuqda!!!! Dawladu kuwaas ayey culayska saartay inay shacabka indhahooda ku jeediso dhagaxaantaa qoran oo ay inoogu sheegto wax qabad!!!
Haddaba; waxaa isweydiin leh maxaa ummad dalkeeda hooyo ka haajiriya macnaha keena in ay ka yaacaan oo dalal kale isku dhiibaan? Aniga aragtidayda waxaan ku cabiri lahaa laba arimood : ta kowaad in uu jiro dictatorship xasuuqaya shacabkiisa taas ayaa waxay keentaa in dalka laga yaaco baqasho iyo naf la baxsasho darteed. Ta labaad iyana waxay tahay cadaalad daro, dulmi ,eexasho qabiil marka ay timaado iyo waliba dhaqaalihii dalka ee loo sinaa oo koox yari isku koobto, ee fursadihii shaqo oo dhana au kooxdaa yar ee MADAXTOOYADA ku amar ku taaglaysaa isku koobto iyana waa DICTATORSHIP dadban iyo ummada oo si dadban loo xasuuqayo waana taa laxasuuqay ee aynu manta ku taaganahay dhalintii badaha isugu daadsheen. Waxay ka quusteen dalkoodii , waxay la kulmeen cadaalad daro , eexasho cid gaara iwm , waxay ka indho-buuxsadeen dalkii oo shakhsiyaad kooban gacanta u galay, hantidii umada oo ay kooxdaa yari accounts uga furteen dibeda oo dalkii la xaalufiyey… waxaas iyo in kabadan oo kale markay arkeen dhalintaasi ayaa keentay inay nafahooda badaha ku biimeeyaan….!
Maxaa inala gudboon shacab ahaan; marka hore maanta haddii mucaarid dalka ka jiri lahaa waxaasiba may dhaceen ee waxaa ina hoday Xisbiyadii mucaaridka oo meesha ka baxay taas ayaa keentay KUDLADA MADAXTOOYADA ka talisaa anigu madaxweyne taliya ma arkee inay dalka haligeen oo ay dhaxalsiiyeen raadadkaa aynu ku joogno . waxaan ku talin lahaa maadaama gaabkaasi dalka ka maqan yahay inay muwaadiniinta Somaliland iskood isku abaabulaan oo ay badbaadiyaan ALLE ayaa wax badbaadiyaa HAMBABADA LABEENTA DALKA ee badaha ku dhamaaday, taasna waxay ku hirgali kartaa in aynu dhinac ugasoo wada jeesano Kudladan dhiigmiiradka ah ee dalka la wareegtay oo aynu dibeda kasoo dhignaa ileen sidan lagu sii jiri maayee!
Allaa mahadleh
Cabdirasaaq Askar
Hargeysa Somaliland