Cabdiraxman Saylici Ku simaha Madaxweynaha Sland Oo Kormeer Ku Tagay Goobo Ay Ka Socoto Diiwaangalinta Codbiyayaasha Gobolka Maroodi-jeex+Sawiro

0
640

Hargeysa(Halsan): -Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  iyo masuuliyiin la socota oo uu ka mid ahaa, Wasiiru-dawlaha Arimaha gudaha Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Xisbiga Kulmiye, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Duqa Caasimadda, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) iyo masuuliyiin kale ayaa saaka kormeeray goobaha diiwaangelinta cod bixiyayaasha ee degmooyinka Caasimadda qaarkood.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu warbiximo ka dhegaystay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee ku hawlan Diiwaangeinta codbiyayaasha,  gaar ahaan gudoomiyeyaasha goobahaasi kuwaasoo sheegay in guud ahaan shaqadu wakhtigii loogu talo galay socoto dadkuna ay soo kordhayaan maalinba maalinta ka danbaysa.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici) waxa uu khudbado u jeediyey ku saabsan ahmiyada diiwaangelintu u leedahay qaranka gobolka iyo caasimadaba dadweyne badan oo taagnaa afaafka goobaha diiwaangelinta codbiyayaasha, siiba goobaha dugsiiyada ah ee ay ka socoto diiwaangelintu oo uu si gaara ula hadlay macalimiinta iyo ardayda dugsiyada.

Isagoo arimaha ka hadlaya waxa uu yidhi “ Ma jirto sir aynu leenahay iyo xogo inaga inoo gaara oo dalalka dibadu u gudbaysa, sida ay sheegayaan kuwa nashuushadaynaya hamsami u socodka diiwaangelinta codbiyayaasha, kuwaasoo ku sheekeeya in xogaha laga qorayo qofka isdiiwaangelinaya ay helayaan dalalka shisheeye sidaana hadhow qofka haduu dibada tago lagu ogaanayo inuu Somaliland u dhashay, taasina waa waxaan sal iyo raad toona lahayn wax xoga oo inagu aynu leenahay oo debeda inooga baxayaana ma jiro”.

Madaxweyne ku xigeenka, ahna ku simaha Madaxweynuhu waxa uu ku dardaaray dadweynaha caasimadda inay muujiyaan tiradooda, oo laga sugayo inay noqoto mid badan dadkuna isku  dhiiri geliyaan siday wakhtiga go’an ee diiwaangelintu socoto looga faaidayn lahaa,  siiba dhalinyaradu ay si buuxda uga qeyb qaataan wixii qaan gaadh ahi diiwaangelinta, qataana Kaadhadhka, waalidkood iyo ehelkoodana ay ugu yeedhaan.

Waxaa iyaguna goobahaasi ka hadlay masuuliyiinta la socotay Madaxweyne ku xigeenka oo dhamaantoodba dadka ku dardaaray in la muujiyo cududa dadweynaha caasimadda, iyo guud ahaanba goobaha Gobolka Maroodi Jeex ee ay diiwaangelintu ka socoto.

Ugu danbayntii Madaxweynuhu wuxuu amray in gacanta lagu soo dhigo dadka meelahaa kaga hadla inaan diiwaan gelinta laga qeyb gelin ee ku hadlaya dacaayadaha beenta ah iyo baro bogaandada aanay waxba ka jirin ee lagu marin habaabinayo dadka is diiwaangelinaya, lana hor geeyo sharciga.

sayli5 sayli4 sayli3 saylic2 sayli11