Hargeysa(Halsan): -Gudoomiyaha golaha wakiilada somailand ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa waxa la filayaa inuu maalinta barri ah u safar ugu kicitimo dhankaa iyo dalka maraykanka.
Waxaana safarkan dheer ee uu ugu baxayo gudoomiye Cirro dalka maraykanka aya ah marti qaad uu ka helay jahliyada reer Somaliland ee ku nool dalka maraykanka iyo waliba taaageerayaasha xisbiga WADANI ee dalka maraykanka.
Waxaana ujeedada safarkan gudoomiye Cirro ay tahay sida naloo sheegay inuu kulamo kala duwan la yeesho taageerayaasha xisbiga WADANI ee dalka maraykanka iyo waliba jahliyada reer Somaliland eek u nool dalka maraykanka.
Si kasteba ha ahaatee Wali cadda ujeedada rasmiga ah ee uu gudoomiye Cirro ugu baxayo dalka maraykanka.