Cabdirashiid Xasan Mataan Oo Ka Hadlay Warar Ku Saabsan In Xukumaddu Magacaabayso

0
591

Hargeysa(Halsan):- Aqoon yahan Cabdirashiid Xasan Mataan, musharax xigeenkii iska casilay xisbiga Ucid ayaa sheegay inay jirto xodxodasho soo noqnoqotay oo xukumaddu ku doonayso inay xil u dhiibto, kadib markii maalmihii u dambeeyay warbaahinta qaarkeed qortay in xukumaddu xil u dhiibayso Cabdirashiid, balse arrintaasi ayuu iska diiday.

 

Cabdirashiid Xasan Mataan oo bartiisa Facebook farriin kooban kula wadaagay bulshada ayaa tilmaamay in xisbiga Kulmiye rajada Somaliland god dheer ku tuuray. waxa uu ugu horayn ka hadlay dareenka bulshadu ka qabto in xil loo magacaabo waxaanu yidhi ‘Waxa soo noqnoqanaya xodxodashada raqiiska ah ee xukuumaddu dabada ka waddo ama rabitaankooda.”

 

Cabdirashiid oo sii hadlaya ayaa yidhi “Taageerayaashaydii iyo dhammaan shacabka Somaliland waxaan u sheegayaa intii aan hore usheegay oo ah “dalka umaan iman in aan ka xoolaysto ee waxaan u imi gurmad ah in laga badbaadiyo mushkiladda ay abuureen xisbiga kulmiye ee god dheer ku tuuray rajadii dalka iyo tii da’yarta.”

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inaanay qorshaha ugu jirin inuu xukumadda Kulmiye wasiir ka noqdo “Markaa marna igama suurtoobayso in aan qayb ka noqdo nidaamka kulmiye. Waxaa inoo ballan ah isbeddel insha allah.”