Cabdicasiis Samaale oo shaaca ka qaaday in aanuu ka laaban tartanka murashaxnimada madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa, isla markaana uu yahay murashaxa koowaad ee……..

0
659

Hargeysa,(Halsan):- Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu wargeyska Ogaal khadka telefoonka ku helay  fiidkii ayaa shaaca ka qaaday in aanuu ka laaban tartanka murashaxnimada madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa, isla markaana uu yahay murashaxa koowaad ee u tartamaya jagadaa.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu cadhada kaga baxay xukuumadda ee uu iska casilay xilkii wasiirnimo waxa isa soo tarayay warar sheegayay, in Cabdicasiis Samaale ka laabtay murashaxnimadii jagadda madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa, isla markaana hadda ka hor siyaasagani wuxuu galay jawi aamusan, mana jirin warar toos ah oo uu soo saaray, marka laga reebo xigashooyin illo kale loogu abtiriyay oo saxaafadu mararka qaar ku faafiyeen warar la xidhiidha mooyee. Xogahaa oo badi muujinayay in Samaale saaxada tartankaa ka baxay, taa bedelkeedana la saadaaliyay inuu taageeradiisa siinayo murashaxa kale ee Maxamed Biixi Yoonis.

Hadaba Cabdicasiis Samaale oo dhawaan ka soo laabtay magaaladda Nairobi oo uu wargeyska Ogaal ku helay khadka telefoonka wuxuu beeniyay wararkaa sheegayay inuu ka hadhay murashaxnimadii. Inkasta oo aanu isku daynay in aanuu su,aalo ka sii waydiino arrintan, misana may suuragelin inuu na siiyo waqti, mashquul uu sheegay inuu ku jiro dartii. Hase yeeshee wuxuu jawaab ka bixiyay oo keliya su,aashaa u horaysay ee aanu waydiinay oo u dhacaysay waxa ka jira in aanuu murashax ahayn hadda, waxaanuu ku jawaabay oo uu yidhi; “Waa been aan jirin. Waxba kama jiraan, anigu bartaydii baan kaga jiraa tartanka, waxaan ahay murashaxa koowaad ee u tartamaya madaxweynaha xisbiga Kulmiye dhexdiisa. Kama tanaasulin, kama hadhin, cid aan u tanaasulayna ma jirto, cid aanu arrintaa ka wada hadalayna ma jirto. Waxaanan ahay mashquul ee iga raali ahaada.”

Badheedhahan cusub ee Samaale ee meesha ka saaray hadal hayntii hore, wuxuu ka dhignaanayaa falaadh halis ah oo mar kale ku soo laabatay Gudoomiye Muuse Biixi, oo in muddo ahba u ekaa mid ka nastay culayskii iyo miisaanka saamaynta kaambaynka Samaale.