Burcaa yaabtay!

0
997

dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo. dhaqankoodu mid maaha . Dhaliil la iskama qaato . DHafoor taabasho weeye . Dhibtana la iskuma eego. daily way  kaftamaan .  Hadana la isma dhegaysto. Dhoohanaad tahay waalan  iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa  ku dhamaadee kaalay bal dhegayso.

Dhaqane:Burcaa yaabtay!

Dhaashane:Oo maxaa burcao ka dhacay?

Dhaqane:Bal kan badhasaabka burcao ee markii uu Suldaan M .Muse cune xidhay ee la yidhi ;Waar magaalada miyaad kicinaysaa ku jawaabay :Burcoa jeebkaygay ku jirtaa ka waran.

Dhaashane:Horta meel kalaad maanta u kacday .waxan is lahaa wuxuu kugula soo kalahayaa warka cusub ee somalilandba qaadaa dhigayso ee mohamed abdillahi iyo Xirsi u dhexeeya .

Dhaqane:waar adeerow ninkaa mohamed abdillahi shahaadada indho adaygaan siiye ha inagu soo celin.Waa ninka haduu qof liqo oo labdii lugood weli soo jeedaan dafirya .labada Xirsaa runta u dhow .Aniga iga qor.Somaliland waxaa la iibiyey oo Soomalia laga iibiyey 18 feb 2012.

Dhaashane:Afkii madashaad ku hadlaysaa dee .Ninmankaasaan waxba u tudhin oo dowladii meel walba ka ashtakeeyee.waar wax iskula hadha .Oo dalka u tudha.

Dhaqane:Waa yaab meesha Muj dhegaweyne,muj Hassan ciise jama ,muj mohmamed xaashi elimi,muj saciid axmed qulumbe,muj hassan guure ay qaran dumis ku noqdeen . Bukhaari, nacnac iyo ali mareexaana qaran dhisayaal ku noqdeen.Maana waalan mise Xamar baa laga heesayaa?

Dhaashane:Bal arintaa aad na waydiinayso madaxweynaa Somaliland ma waydiinaa ?Isagaa labada qoloba yaqaane.

Dhaqane:Waar horta in suaallo la waydiiyaba ma loo ogolyaa ka horaysa taase waxan ku waydiiyey.Odayaashii Ceerigaabo oo dhan xidhxidhee wadanka ma ogaan baa u qasaysaan?Ma ha la idiin kordhiyaa ka wadaan?Saani wax noogu sheega dee.

Dhaashane:Adeer sharciga nina kama weyna.

Dhaqane: Wuxuu yidhi abwaanki;
Shacigan wadhatada ganaaxa
Wasiirkana gool u looga
Sharcigan gabay maatidiisa
Afmiishaarkana guneeya
Sharcigan uu gado macdaarku
Sharcigan nabadana u guuxa
Wixii gubaya jideeya
Sharcigan dusha laga gudboonyey
Salkana lagu kala golroonyey

 

Waa qallinkii:Baxnaan xaaji aden
Sweden

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here