Burburka diyaaradii ku dhacday dalka Ruushka oo qeybo kamid ah lasoo bandhigay+ Sawirrada

0
647

Diyaarad ka soo duushay magaalada Dubai ee Isutagga Imaaradka Carabta, ayaa burburtay xilli ay doonaysay inay ku degto garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalo ka tirsan dalka Ruushka, waxaana shilkaasi ku geeriyooday illaa 62 qof oo ahaa dadkii diyaaraddaas saarnaa.

Markii ay damacday inay ka degato Magaalada Rostov-on-Don oo ku taallo Koonfurta dalka Ruushka, ayaa Diyaarada waxaa ku yimid cilad, taasi oo sababtay inay dhacday.

Masuuliyiinta, ayaa sheegay in diyaaraddan oo nooceedu ahaa Boeing 737 isla markaana ay lahayd shirkadda Fly Dubia ay saarnaayeen 55 rakaab ah iyo toddoba shaqaale ah.

Saraakiisha Russia ayaa sheegay in Cimillada oo xumeyd aawadeed, ay suuragal tahay in ay keentay burburka diyaaraddaasi.

dii6 dii5 dii4 dii8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here