Budhigii Wabarasho Ee Lagu Yagleelay Dugsiyadii Uu gu Horeeyay Ee Lagu Billabay Magaalada Arabsiyo Kuwaas oo lagu barto Aqoonta Maadiga ah Sida:- 1-Sceince ka 2-Geography-ga 3- Math ka 4-History 5- Socail Science 6-Arabic 7- English 8 -Gyms. Qormadii Labaad.
Ma fududa marka hore in si dhib yar loo helo oo loo bilaabo ama loo dhigo seeska Dugsiyo aqooneed lagu yagleelaayo haddii aaney marka hore u dhamaystirnayn awoodihii sahli-lahaa in la helo goobihii wax la gu dhigaayey ee aay ardaydu wax ku baranaaysey iyo agabkii waxbarasho ee aas-aaska u ahaa in lagu dhiirada , waayo ugu horaayn waxaa loo baahan yahay in la diyaariyo goobihii ardaydu wax ku dhigan lahaayd iyo agabkii waxbarashada oo dhamaaystirin iyo weliba in aay goobahaasi ama dugsiyadaasi aay joogaan macalimiin aqoon leh oo lagu soo carbiyey habka wax dhigista ama loo yaqaano (Teaching Methods).
Macalimiintaa Dugsiyada wax kabarta ardayada waxaa waagaas lagu soo carbin jirey dugsiyadii caanka ahaa xilligii mustacmaradii Ingiriiska hada waa labadii Dugsi ee kala ahaa (Camuud iyo Sheekh) oo la yagleelay si macalimiinta iyo ilaayskii hogaamineed ee umada loogu carbiyo, waxaana labadaas Dugsi ee kala ahaa (Camuud iyo Sheekh loo asteeyey in aay noqdaan warshadii ama hooyadii aqooneed ee diyaar-garayneysey ama lagu carbinaayey jiilkii soo kacaayey ee loo diyaarinaayey in aay umadan hogaamiyaan, waxaana labadaa Dugsi ee Camuud iyo Sheekh kala ahaa la yagleelay gu,gii ama sanadkii 1944 kii.
Labadaas Dugsi ee Camuud iyo Sheekh oo qaaybo farabadan iskugu jirey laguna kala baranayey culuun kala jaada ayaa waxaa waaxyahaa kala jaadka ahaa ee labadaa Dugsi ee camuud iyo sheekh iyana ka mid ahaa waaxweyn oo lagu carbiyo macalimiinta loo na yaqaanay marka la soo gaabiyo TTC ama ( Teacher,s Training Centre). Ardayada loo tababaraayey macalinimada waxa aay Dugsigaas tobobar ka ama (TTC) da aay waaxdaa tobabarka macalinimada aay ku jiraayeen muddo laba sano ah oo aay ku diyaarinayeen shahadada macalinimada ( Educational Teaching Certificate), waxaanay muddadaa labada sano ah marka laga reebo maadada takhasuska macalinku dhigaayo aay baranjireen cilmiga loo yaqaan Barbaarinta garaadka ardeyga yar iyo farsamooyinka loo adeegsado waxaana afka qalaad loo yaqaan kalmadan oo luuqada Giriiga laga soo qaatey (Pedagogy Teaching Methods ama Educational Course).
Barayaasha Dugsiyada Camuud iyo Sheekh xilligaas ku jirey waxaa lagu carbin jirey ama loo dhigayey sida aay waxbarasho tayo -fiican uugu gudbilahaayeen ardayada weloo aay ridada macalimiintu aay aad u yaraad balse waxa aay ahaayeen kuwo tayadooda aqooneed ee waagaas aad u saraayso oo haaybad sharaf badan huwana dadkooda u dhexlahaa mushahar fiicana qaadan jirey (earning with decent wages). Barayaashaa waxa loo deegaamiyey in aay anshax iyo akhlaaqda fiican aay kaga dayato ardaydooda, taas oo dhaqanka fiicani uu ka mid ahaa haaybadaha uu dadka kaga dhex muuqdo macalinku, Marka laga hadlaayo labada waaxood ee tababarida macalimiinta ee ku yaaley labadaas macad ee camuud iyo sheekh waxa aay ahaayeen barayaasha ka soo baxa labadaas dugsi kuwo tayada aqoontoodu saraayso oo si fudud u maareeya mushkuladaha wax dhigid ee aay maalin kastaba aay goobaha waxbarashada kala kulmi jireen, waxaanay ahaayeen kuwo lagu soo carbiyey xalinta turun-turo ee caqabad ku noqonaysa habsami u socodka shaqadooda waayo waxaa duruustooda ka mid ahaa la gu soo carbiyey sida aaynu hore u soo sheegnay habaka ardayda loo carbiyo iyo deegaaminta guud ee baayada waxbarasho hababkaas aay isticmaali jireena waxaa ka mid ahaa sida:- 1-Psycholoy 2-Pedology 3- Class Management 4- Coherent 5- Teacher,s persausive 6- Teacher,s Preparatory 7- Teaching Practice Mothed intaas dhan oo aan soo sheegay waa waajibaadkii macalimiintaas lagu soo carbiyey oo loo yaqaan (Pedagogy ama Educational Courses)
.
Waxa aaynu hore u soo sheegnay qaybtii qormadan ka horaaysey in aay hormoodkii lagu yagleelayey in Ilayska iftiin ee lagu budhigaayey aas-aaskii ama seeskii taclimiin ee udubaha loogu dhidbaayey Dugsiyadii uugu horeeyay Deegaanka Arabsiyo aay hogaanka u hayeen Odayaashii mudakarka ahaa ee magaaladu oo aay hogaaminayeen Cali Hanfi Coofle ( cali Yare).Ibraahim Nadiif ,Axmed Gure, Sheekh Cumar Liibaan (Abu Foqora) dhamaantood Odayaashaasi waay inaga hooseeyaane faataxada haloo mara in uu ilaahaay jannadiisa fardoowsa ka waraabiyo aamiin., ayaa waxa aay maalin ka mida maalmaha barakaaysan ee aay muslimiintu shaqooyinka fasax ka yihiin oo maalin jimca ah aay Oadayaashaa mudakarki ahi iyo indheer-garadkii magaaladu aay miidii-sii uugu badnaayd ku jirto aay shir ku qabsadeen makhaayada dooxa uugu xigta oo uu Chief Caaqil Caynaan Axmed lahaa markii dambana uu Xassan Xaaji Yuusuf Rooble uu ka iibshey Chief Caaqil Caynaan Axmed.
Makhaayadaa uu lahaa Cheif Caaqil Caaynaan Axmed oo ku taala xaga magaalada galbeedka looga soo galo ee u dhow dooxa qaaybiya laba da qayboo ee arabsiyo ayaa uu shirkaasi maalintaa jimcaha ahaayd gelinkeedii dambe markii laga soo baxay salaadii casar aay Odayaashii magaaladu oo aay weheliyaan waxgaradkeedii aay shirkaas ku qabsadeen,. Sannadkan 1958 kii waa sanad barwaaqo badnaa roobkuna u badnaa oo weliba magaalada dhexdeeda waxaa sunsumaya iliilado biyo badan xunbona aanay ku jirin oo xareed saafiya ah, Geedahana waxaa isqabsadey ubaxyo caaynba caayna iyo caleen wada cagaaran .
Cadceeda casarnimo oo diirisay dharabkii geedaha saarnaa oo biyahii tifiq tiqi lahaana ku dhagsiisey falaadhahegii ayaa halkaas uu ka samaaysmey midab dahabiya oo muujinaaya shacnigii quruxeed ee uu ilaahaay ku manaaystey magaallada Arabsiyo oo ah dhul-beereed ku caana Bustaanada. Jawga galabtani waxa uu ahaa mid aad u qurrux badan Makhaayadani waxa aay ka mid ahaayd makhaayadihii aay magaalada Arabsiyo aay waagaas lahaayd kuwii uugu qiimo badnaa , waxaanay Odayaasha waxgaradka Arabsiyo u ahaayd goobta uugu mahiimsan ee aay shirarka ku qabsadaan marka arimaha khuseeya Deegaanka Arabsiyo la gorfaaynaayo, waxa kale oo aay goobtani ahaayd goob wararka lagu kala qaato laguna dhagaaysto wararka adeecadaha wixii dunida marba ku soo kordha ama gudaba ha noqotee.
Makhaayadan uu lahaa Cheif Caaqil Caynaan waxaa xilligaa loo yaqaaney (Civic Centre) taas oo aay micnaheedu ahaayd goobtii wararka lagu kala qaadan jirey. Inamada loo yaqaanay qaxwiyijiinta oo ahaa shaqaalaha makhaayada waxa aay galabtan ku jireen hawl culus waayo dalabka shaaha casaryaha oo xilligaas aad u socdaey dalabka qaarkii dadka macaamiisha u ahaa weliba khaasatan kuwa miyiga ka soo dhaadhacaa marka aay fijaan shaaha dalbadaan ee aay rabaan in loo soo lamado waxa aay istimaalayii hal far oo kor loo taago aamusnaanina la socoto markaas waxaa inanka qaxwajiga ah ku qasab ahaayd in uu si taxadir leh uu la socdo faraha aay macaamiishu kor u taagayaan.
Xilligaas oo raadhywgu aad u yaraa magaalada Arabsiyo waxaaba ka jirey laba radhyow oo keliya oo magaalada laga dhagaysto, labadaa raadhyowna waxaa bixiyey ingiriiska oo mid waxaa la dhiibey Mayor-kii magaalada Ibraahim Nadiif , mid na waxaa la dhigay Makhaayadii Caaqil Caynaan oo u ahaayd magaalada (Civic Centre) keeda ama Baraha-Bulshadu aay ku kulmi jireen halkaas oo aay ku dhagaaysan jireen cadeecadaha raadhow hargeysa iyo BBc da.
Makhaayadan Chief Caaqil Caynaan oo ahaayd Baraha-bulshada kala duwani iyo waxgaradka magaaladu aay ku kulmi-jireen inta badan waxaa lagaga hali jirey wixii dheef iyo dhiilo ah ee ku soo kordha Deegaankaas balaadhaan ee aay ku fadhidey magaalada Arabsiyo , inta badana waxaa lagaga arinsan jirey xogoha caafimeed ee deegaanka hanoqoto mid (Hygine, ) ama Xanaanada xoolaha (vetenary), mid talaalka caruuta ama dhib loo keeno deegaanka iyo dabeecada uu ilaahaay inagu uumay sida waxa afka qalaad loo yaqaan (Enviromental Vulnerablity like Desforestation, Desertification,Landslide, Greenhouse Gasses Emmissions) iyo qaar kaloo badan.
Anigoo aan ka baxayn madwuuceenii lagu yagleelay ilaayskii waxbarasho ee laga yagleelay magaalada Arabsiyo gu,gii 1958 iyo shirkii jimcaha casarkiisii ka dhacay gudaha goobatn makhaayada oo aan kor idiinku soo sheegay in aay waxgaradka magaalada Arabsiyo u ahaayd Baraha aay bulshadu kaga ariminsato kolba wixii dheef iyo dhiilo ah ee ku soo kordha ayaan anoo mooduucaa halkaas ka sii wadi doono aan inyar dib idiinku celin doonaa sannadkii 1969 kii ayaa waxaa Deegaanka Arabsiyo soo food-saartey dhib xagga dooxa ah oo beerihii iyo guryo badan qaaday taas oo magaalada looga baqayba in uu dooxu ku soo durko dabadeedna uu qaadaba, arintaasi waxa aay noqotey arin werwer weyn ku noqotey waxgaradkii iyo Odayaashii hogaanka umada u ahaa;
Markii aay dhiiladaas Dooxa Arabsiyo dhex maraa uu masiibo qaran ku noqdey umadii deegaankaas ku noolaayd sanadkuna uu markaa yahay bilihii uugu horeeyey 1969 kii oo aanu miletarigii xooga dalku aanu talada la wareegin ayaa maalin maalmaha ka mida aay wax garadkii magaaladu oo ka koobnaa haldoorkii deegaanku aay iskugu yimaadeen si aay arinkaa aafada ku noqdey uuga arinsan lahaayeen iyo sida uugu fudud ee aay gurmad deg dega uuga gali lahaayeen arinkaa.
Waxagaradkii magaalada oo aay hormood u ahaayeen Odayaashii magaalada ayaa waxa aay shir deg dega oo albaabadu u xidhan yihiin ku qabteen makhaayadii Baraha Waxgaradka u ahaayd ama la odhan jirey ( Arabsiyo Civic Centre) . Goobtaas waxaa ka dhacday dood aad u xeeladaaysan cilmina ku duugan yahay iyadoo aad looga hadlaayo cilmiga looyaqaan hab-deegaameedka uu i Ilaahay u dhigay labada nolooleed ee isku dheeli tiran ( Eco-Sytem) , waxgaradka goobtaa isugu yimid waxaa ku jirey niman khuburo ku ah baahadaha aduunka waxana ka soo galay dagaalkii labaad ee aduunka sida alle yarxame Mujaahid Gabax Liibaan.
Doodaa goobtii barkulanka u ahaayd waxgaradkii Arabsiyo ku dhex martey sannadkaa 1969 horaantiisii waxa aay doodaasi oo duhurkii bilaamatey laydhna xilligaa muujirine markii migdigii dumayna tiriig-yadii waaweynaa laysku shitay aay soo dabayaaqoowdey doodaasi dheeraayd kow iyo tobankii habeenimo, waxaana ka soo baxay qodobo wax ku oola oo aan hoos idiinku iclaamin doono , qodobadaas oo dhamaanteed qeexayey sidee gurmadka arnkaa aafada noqdey looga hortagi lahaa intaanu masiibo qaran noqon.
Shirkaasi Arabsiyo Civic Centre ka dhacay waxaa nasiib wanaag u hiley District Commissioner kii Degmada gabiley oo markaas Arabsiyo aay hoos imanaysey Muddane Maxamed Cabdi oo reer Cadmeed Cadan waxku soo bartay ahaa kana soo jeeday cid ahaan District Laascaanood. Maxame Cabdi oo ahaa Dc-ga Degmada waxa uu doodiisa uu ku soo gunaanadey in uu isagu ka caawinaayo nin uu yaqaano oo Injineer ku caan baxay sida loo xidho siliga farshaxanka loo sameeyo ee gabyanada lagu xidho, waxa kale oo uu Maxamed Cabdi Dc gii kaloo uu ku baaqay in xaga daawlada uu shidaalka baabuurta iyo laba iska rogu ku caawin doono.
Geesta kale Odayaashii iyo waxgaradkii Arabsiyo oo uu ku jiro Gabiley District Commissioner kii waxa aay soo saareen qodobadan.:- 1- waa in dhamaan meheradaha magaalada oo dhan laxidhaa maalinkasta inta aay haawsha gabyan xidhidu socoto saddex saac aay kana mid noqdaa bayacmustarka iyo maheradaha magaaladu maalgalinta iskaa wax u qabsada. 2- in la hakiyaa baabuurta magaalada in aay safaro dhaadheer u baxaan sida jabuuti oo kale inta uu socdo mashruuca iskaa wax u qabsadu waayo baabuurta xamuulka waxaa looga baahan yahay in aay marna dadka soo daabulaan,
marna dhagaxa gabyanka lagu xidhaayo aay soo daabulaan, 3- waa in shicibka miyi iyo magaaloba uu qofkastaaba u huraa xoogiisa laba saacadood in uu ku bixiyo sidii hawshaasi u dhamaystiran lahayd hada waa muddada aay hawsha iskaa wax u qabsadu socoto sanadna ha noqotee. 4- shacabka miyi iyo magaalaba waa in aay maalkooda u horaan sida loo quudin lahaa dadka iskaada wax u qabsada ku shaqaayna ya muddada aay hawsha gabyan xidhidu socoto. qodobada oo badnaa aanan intaas ku soo koo bikaraayn ayaan idiiki dhaafayaa magacyadii Oadayaashii iyo waxgaradkii Arabsiyo ee haawshaas suurto geliyey.
1- Cali Hanfi Coofle ( Cali Yare)
(Ibraahim Ndiif markaas uu geeriyooday waxaa badelay)
2- Xawaadle Cilmi
3- Gabax Liibaan
3- Cumar Liibaan
4-Cabdilaahi Batuun
5-Cabaas
6-Cabdillaahi Batuun
7-Maxamed Daahir Libaan ( Ina Gacanloow)
8-( Gabiley District Commissioner Maxamed Cabdi)
Qore
Khadar Jaambiir Egeh
Qormooyinka Dambe La Soco
wariye muuse xuseen xasan