Hargaysa(Halsan):-Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda Somaliland,MD. Maxamed Muuse Abees,ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay Xadhiga Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland,kaas oo in ku dhaw Bil ku xidhan Magaaladda Hargaysa,iyada oo aan wax Maxkamad ah lasoo taagin danbina aan lagu soo oogin.
Warar lagu Kalsoon yahay oo ay Heshay Shabakadda Wararka ee Oodweynenews,ayaa sheegaya in Xadhigga Boqor uu si toos ah uga danbeeyay Xadhigiisa,kaas oo la sheegay inuu ka dhego-adaygay Qorshe ay Xukuumaddu ku doonayso inay Seero kaga samayso Banka Qool-cadey ee Deegaanka Gaaroodi.
Waxa jiray isku dayo badan oo ay dad Labbeenta Umadda ahi isku dayeen inay Damaanad Boqor ku sii dayaan,balse waxa la sheegay inuu arrintaas si cad u hor-istaagay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyaddu,taas oo si weyn uga cadhaysiisay dad iskugu jira Madax dhaqameed,Wax-garad iyo Ganacsato kasoo jeeda Beesha Barriga iyo Koonfurta Magaaladda Hargaysa.
Dhinaca kalena, Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland,Sul. Maxamed Sul. Cabdiqaadir,ayaa dhawr jeer Xukuumadda usoo jeediyay inay xoriyadiisa dib-ugu-soo celiso Boqorka,balse Xukuumadda ayaa si toos uga dhego-adaygtay.