Boqor Buurmadow“Madaxweynaha Waxaanu U Soo Jeedinaynaa Inaanu Mar Dambe Isa Soo Sharrixin…Beeshana Waxaan Leeyahay Waa Inoo Gobkii Garadag Iyo Shir Degdeg Ah Oon Ku Baaqi Doono”

0
804

Hargeysa(Halsan) :-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo ka tirsan hogaanka dhaqanka Somaliland, haatana ku sugan dalka dibaddiisa ayaa madaxweyne Siilaanyo kula taliyay inaanu mar dambe isa soo sharixin, taas badelkeedana doorasho hufan dalka ka qabto.

 

Waxa uu sheegay in beesha uu hogaankeeda ka mid yahay dhawaan iskugu iman doonto shir weyne ka dhaca gar-adag, wuxuuna meesha ka saaray qorsheyaal uu iftiimiyay in wasiiro wataan oo madaxtooyada ka socda.

 

Qoraal uu arrintan kaga hadlay Boqor Buurmadow ayaa u dhignaa sidan:-

“Dhamaan shacbiga reer soomaaliland sidaad la socotaan beryahan waxa dalka ka socda buuq iyo qaylo badan. Walaalayaal waxaynu u baahanahay inaynu xaaladaha taagan ula macaamilno si tudhaale ah oo aynu kaga gudubno wadatashi iyo isu tanaasul, xisbiyada mucaaradkuna waa in ay keenaan barnaamijyo ilbaxnimo iyo horumar laga dheehan karo oo ay ka waantoobaan yooyootanka iyo qabyaalada fatahday ee dadku ku laab dilaaci karo.

 

Waxaan kale oo beryahan arkaayay wasiiro iyo gabgablayaal madaxtooyada ka wada balanqaadyo ay cid ugu balanqaadayaan xulufaysi siyaasadeed, hadaba, bulshada soomaaliland iyo beelwaynta Habarjeclo waxaan u sheegaynaa talada beeshu inaanay ka go,in madaxtooyada ee ay ka go,do geedka beesha, sidii dhaqanka ahaydna taladeedu waxay taal dhawaana laysugu tegi doono gobka caanka ah ee Garadag.

 

Madawaynaha anaga oo ku amaanayna halgankii dheeraa iyo waxqabadkiisa fiican, waxaanu u soo jeedinaynaa inuu maro wadadii Nelson Mandela dibna aanu isu sharaxin, ee soomaaliland uu u qabto tartan hufan.

Talada iyo masiirka beesha ee mustaqbalkana  waxa go aamin doona madax dhaqameedkeeda oo uu hogaaminaayo suldaanka guud Sul. Cabdillaahi. Talada beelaha Habarjeclona  kama go,do  madatooyada iyo wasiirada beesha. Markaa waxaan cidkasta oo danaynaysa beesha taageeradeeda  u sheegaynaa, inay go,da madaxda dhaqanka beesha iyo beesha. Beeshana waxaan leeyahay waa inoo gobkii Garadag, hadii aanu nahay madaxda dhaqankana, dhawaan waxaanu ku baaqi doonaa shir degdeg.

 

Aniga oo cabdiraxmaan ciro iyo xisbiga wadaniba aad u taageersan oo aaminsan gudoomiye ciro wuxu dadka kusoo jiitay akhlaaq iyo deganaan, nasiibdaro waxa isukay qabanla, hogaamiyaha dhaqankiisa suuban iyo jirridan ku soo badatay xisbiga oo cay iyo qabyaalad hadaladooda ay bud dhig u noqdeen. waxaan aaminsanahay in xisbigu u baahan yahay si aanu ugu dhicin meel aan laga soo qaban karin in faafreeb lagu sameeyo dadka ku hadlaya xisbiga afkiisa masuuliyada koobaadna Gudoomiye Ciro ayay saaran tahay.”

Source- Ogaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here