Marka hore waxana tacsi u diryaa dhamaan qoysikii iyo qaraabadii uu ka baxay taliyihii Booliska Gobolka Saaxil Cabdirisaaq Casayr.
Haddaba boqor cusmaan buurbodow wuxuu caadaystay in uu fidno ka dhex abuuro bulshadda walalaha ah.
Anigu waxaan xasuusinayaa in aan tacsi u dirayo Taliyaha Booliska Gobolka Saaxil Cabdirisaaq Casayr halka uu isagu Dilkii Taliyayaashi lagu dilay qorilugid aanu tacsi u dirin ee uu “Mashxaraday”
Boqor Cusmaan maanta waxay ahayd in uu noqdo kii Qarannimadda Somaliland ku baxsan lahayd ee reerkood laabta u dhigan lahaaa ee muu ahayn kii dagaal iclaamin lahaa.
Shalay markaa Inamadayda lagu laayey qorilugid anigu boqor bedmadow waxaan ahaa kii qarannimada Somaliland ku badbaaday ee ay ku baxsatay ee Aastay Maydkii Inamadiisa
Haddaba waxaan ku xasuusinayaa in Afduubkii Juujile ee nabaradii aad u gaystay in uu u dhintay cidina waxba lagaa waydiin. Hadabaa adigaa Madaxweynihii iyo Guurtidii Somalilandba haysta hadii aad burburinayso iyo hadii kaleba adiga ayey kuu taalaa.
Haddaba madax-dhaqmeedka Habar-Awal ee Gobolka Saaxiil Ma aha niman shirqool iyo duminta Qaranimada ka shaqeeyaa ee waa niman qaranimada Somaliland ku dhisantahay maal iyo moolba kaga baxaday sidii qarannimada Somaliland u dhismi lahayd.
Imikana odayga madaxweynaha ee aad isku haybta tihiin ee aad marwalba ceeb baadhasyo waa nimanka mark walba garab taagan hiil iyo hoona ay mar walba u garab taagan yihiin Halka Cusmaan ahaan aad mar walba ku qayliyi jirta Madaxweynihii hore Maxamed Haji Ibrahim Cigaal ee aad odhan jirtay lacagta qaranka jamhuuriyada Somaliland waa lacag habarawal ha qaadanin meel walba ka odhan jirtay Aniga reer waxaasi ka weyn ayaan nahay dowladnimadan dumin mayno, shirqool madaxda qaranka milgahayaga maah.
Hadabba cusmaanow hadii ay duminta qaranka iyo shirqoolku caadadaa tahay “waa caadadaaye ceebtaa maah”
Haddaba Beesha habarjecel waxaan leeyahay iska horkeenka iyo hadal deelqaafka ah ee boqor buurmadow ku hadalay ha dhagaysanina ee ilaaliyaa nabad iyo qaranimada Somaliland inankiinan aastaan. Diwaangalinta u yidhi qaadacana hadii aad qaatataan ogaada in uu madaxweyanaha ku ceebaysan yahay oo hayb ahaan idinka idinka soo jeeda hadii ay taasi dhacdo
Xukumadana waxaan leeyahay in ayna dadka isku dilin ee ay suluxa iyo isku soo dhawaynta beelaha walaal ah ka shaqayso. Waxaana looga baahan yahay in ay kale badbaadiso inta ayna waxba dhicin ee maah in ay marka wax dhacaan carcararto.
Waxaan kaga baxayaa hadalkayga hadii aan sheegsheego inta nin igagakaa maqan in ay fidnadu kordhayso laakiin waxaan eegaya Diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee aynu ku dhaqano
Cusmaanow habarawalnimaduna waa mid la hadhsado oo qaranimada ilaalisa culaadna loogama sheegayn karo