Boortaqiiska oo la tacaalaya dab ka kacay kayn iyo heerkulka oo cirka isku shareeray

0
112

Boortaqiiska oo la tacaalaya dab ka kacay kayn iyo heerkulka oo cirka isku shareeray

Ciidamada dab-damiska Boortaqiiska ayaa la tacaalaya sidii ay u xakamayn lahaayeen dab ka holcaya kumanaan hektar xilli heerkulku cirka iskusii shareerayo.

Ku dhawaad 800 oo shaqaale ah ayaa ka qaybgalay deminta dab ka kacay meel u dhow magaalada koonfureed ee Odemira habeenimadii Isniinta, iyadoo in ka badan 1,400 oo qof ay ku qasbanaadeen inay barakacaan.

Ugu yaraan sagaal dab-damis ayaa ku dhaawacmay la tacaalida dabka. Heerkulka ka sarreeya 40C (104F) ayaa la filayaa inuu ka dhaco inta badan jasiiradda Iberia toddobaadkan.

Saddex dab oo waaweyn oo gubay boqollaal hektar oo ku yaal Spain dhammaadkii isbuucii hore ayaa la xakameeyay, laakiin digniinaha cimilada ayaa weli ka jira dalka intiisa badan.

Boortaqiiska, Isniintii waxaa lagu arkay heer kul gaaraya 46.4C (116F), oo ah kan ugu kulul sanadka ilaa hadda, oo laga diiwaan geliyey Santarém.

Dabka u dhow Odemira ayaa bilowday Sabtidii waxaana dabayluhu u kxexeeyeeny koonfurta gudaha buuraleyda Algarve, oo ah gobolka ugu weyn ee dalxiiska Boortaqiiska.

Wuxuu ilaa hadda baabi’iyay dhul dhan 6,700 hektar, iyadoo wadar ahaan 19 tuulo, afar guri oo dalxiis iyo goob xero ah laga saaray.

Duqa magaalada, Helder Guerreiro, ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay “mid halis ah, adag, oo qalafsan”.