BOOLISKA KENYA OO RAADINAYA CIDII KA DAMBEYSAY DILKA SARKAAL KA TIRSANAA CIIDAMADA SIRDOONKA

0
809

Nairobi( Halsan )Ciidanka booliiska Kenya ayaa wada baaritaan ay ku raadinayaan ciddii ka dambeysey dilka mid ka mid ahaa Ciidamada Sirdoonka Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo NIS  (National Intelligence Service) oo xalay lagu dilay magaalada Mombasa.

Taliyaha Ciidamada Booliska magaalada Mombasa Robert Kitur, ayaa sheegey in howl-galada lagu baadi goobaayo dadkii ka dambeyay dilkaas ay ka socdaan magaalada Mombasa iyo nawaaxigeeda wuxuuna intaas ku daray in dambiilayaasha gacanta lagu soo dhigi doono.

 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladaas Salaadii Jimcaha ee maanta kaddib, ayuu kusoo bandhigay Taliyuhu sawiradda iyo magaca nin lagu sheegay inuu dilkaas ka dambeeyay oo lagu magacaabay  Ismaaciil Soshi, kaasoo sidoo kale taliyuhu uu ku eedeyay iney horay u filiyay weerarro xiriir ah iyo waliba dilal ka dhacay Magaaladaas.

Dhanka kale Askariga la dilay oo ka howl-gali jiray magaalada Nairobi- isla markaasna lagu magacaabi jiray Hashim Cumar, ayaa la sheegay inuu maalmo ka hor u tagay Mombasa si uu u booqdo qoyskiisa.

Wuxuu sidoo kale ka tirsanaa Ciidamada Sirdoonka Kenya, waxaana dilkiisa fuliyay xalay rag la sheegay inay wajiyada qarsadeen, kuwaasoo shan xabadood ku dhuftay xilli uu Marxuumku ka soo baxaayay Masaajid lagu magacaabo Hanisa ku yaallo Xaafadda Mlango ee Magaalada Mombasa oo Salaadii Maqribka uu ku tukaday.

Shacabka ku dhaqan magaalada Mombasa ee gobalka xeebta Kenya, ayaa dilkaas kadib waxey ugu baaqeen dowlada iney wax ka qabato falal dambiyeedka ka dhaco gobalkaas ee lagu bartilmaamadeysto dadka aanan waxba galabsanin iyo kuwa shacabka u shaqeeyo.

Dilkaan, ayaa ku soo beegmaayo iyadoo lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaanka oo inta badan dowlada kenya ay sheegtay iney sugi doonto amniga, isla markaasna ay ka hortagi doonto cid kasto oo damacsan iney dhibaato geysato.

Magaalada Mombasa, waxaa horay oga dhacay dilal iyo weerarro lagu eedeyay iney ka dambeeyeen kooxo taageeran ururka Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalamo, waxaana labo bilood ka hor lagu dilay magaaladaas Sarakaal ka tirsanaa ciidamada dambi-baarista Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo CID.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here