Boobka Qasriga iyo Beylahda Qaranka!

0
707

Boobka Qasriga iyo Beylahda Qaranka!

Muwaadiniinta sharafta leh waxaan filayaa inaad la socoteen qormadii hore ee aan kusoo qaatay boobka hantida umadda ee lagu eekeysiiyey magaalo xeebeedka Berbera iyo tiradda goobaha cagta lamariyey ee la iibsaday muddo xileedka xukuumadan Silaanyo ku magacaaban yahay. Qormadan waxaynu ku wadaagi doonaa goobaha hantida qaranka ee la xoolaystay Hargeysana ku yaal qayb kamid ah iyo boobka is cidhiidhsiga xubnaha qasrigu ku bili-liqaysanayaan hantidii shacabka.

Lama soo koobi karo tiradda hantidii ummada ka dhaxaysay ee xubnaha kooban ee qasriga ka taliyaa ay habeen iyo maalin ba xaraashanayaan ee ku yaal dhamaan gobolada dalka oo dhan, haseyeeshee manta waxaan halkan ku tilmaami doonaa cadad kooban aniga oo si joogto ah usoo bandhigi doona haddii Alle idmo. Haddaba aynu soo qaadano goobaha la xaraashtay ee ku yaal Caasimada Hargeysa sida: Khayriyadi ( waa halkii Marxuum Cigaal AHN uu ka qudbadayn jiray) waa la iibiyey, Maktabadii Gaandhi, Boostii ,  Warshadii laydhka , Indian Line  (4 guri oo Rayaale ku qaldamay mooyaane wixii kale oo dhan  nabadeey) , xaruntii dumarku wax ku baran jireen ee ( women’club) halkaana Khadiija hotelkeeda JIRDE BUILDING  ayaa lagu wareejiyey oo dhexda looga furay wixii qalab yaalay goobtaana iskuulka sheikh bashiir ayaa lagu daad gureeyey, xero-dhiftii , Sariibadii Guryosamo iyo Xeradii birjeex oo hadda la wado qorshe looga rari lahaa ciidanka si halkaana gacanta loo saaro, guryihii waaweynaa ee shacabka ku yaalay oo aan mid laga reebin .

Dalkii waxaa hadhay oo kaliya ISBITAAL , ISKUUL IYO ISTAYSHIN, iyagana waxaa u hadhsan inta ay soo food-qaadayaan. Waayo wax iska hortaagaya haddii ay isbitaal ama stayshin iibiyaan ayaan jirin. Bal aynu ka wada dhur sugno xaraashka QASRIGA MADAXTOOYADA DALKA . isagana inay xaraashi doonaan shaki kuma jiro.

Intay xaalufintan sare aynu kusoo xusnay iyo kuwa kale oo badan oo aanan ku tilmaamin qormadan waxaa dalka ka taagan beylaho tiro badan. Goormaa inoogu dambaysay mashruuc arimaha bulshada ee kala duwan oo dalka laga qabto? marka laga yimaad dhismayaal dhagax cas-cas lagu xardhay oo indho sarcaad shacabka looga dhigay. Waxaa intaas sii dheer maanta waxaa la sheegayaa in dawladii Xasan Sheekh Hargeysa inala joogto oo ay hawlo ka wadaan sida qorista xubnaha soo socda ee BAARLAMAANKA SOMALIYA. Meeye xukuumadii aynu dalka u dooranay? De waa taa hantidii ummada ku mashquulsan ee boobka ku haysa.

Gabagabadii ; dadku ma moogana hantida dalka ee hal-hal ayay ugu xisaabsan tahay , kuwa iibiyey iyo kuwa iibsadayba waa lala xisaabtami doonaa oo geed ayaanu kusoo xidhi haddii ay tagan dunida halka ugu dambaysa …… haddii aad wax kale iska dhaadhiciseen been ayaad isku sheegteen ….!  Waxaan uga digayaa dadka iibsanaya xoolaha ummada ka dhexeysa …hadhow ha ka murugoonina markaanu idin qabano idinka iyo qowleysatada qasriga ku nool ..

 

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa, Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here