Hargeysa(Halsan): -Siyaasi Siyaasi Axmed Xasan Cali “Like” oo kamid ah gudid fulinta ee xisbiga mucaradka ah ee WADANI ayaa ka hadlay heshiiska dhex maray xukumadda Somaliland iyo shirkada Dubai World ee lagu wareejinayay dekeda magaalada berbera.
Waxaana uu siyaasagu sheegay inay intii ay xukumada KULMIYE jirtay ay dalka kusoo badanayso musuqmasuqa iyo hanti lunsigu.
Waxaana Siyaasi Axmed Xasan Cali (Like) oo arimahaas ka hadlayaa uu yidhi sida tan
“Xukuumaddenna xaraasha xoola ummaddeed boobi, dan umaddeed iyo daryeel bulsho oo daacadda umay gelin heshiiska dilaalintu dalka carbeed la gashay, dhaqaalaha xaqul qalinka halka lagu shubaayo ma cadda, wuxuunbay xaqiiqdu tahay xisaab buuxis iyo xoolo boob shandado afar inan la roorayaan lagu qalin shubataynaayo bulshada duruufaha nololeed la dariska ah.”
“Lacagta xaqul-qalinka ahi miisaaniyadda halkay ka gelaysaa? Khasanadee ayay ku dhacaysaa lacagta adage e xaqul qalinka ahi? Xaqul-qalinku sharci ahaan iyo nidaam ahaan miisaaniyedeenu halkuu kaga cad yahay xaqul qalinku? Xaqul-qallino badan oo xukuumaddu qaadatay halkee la mariyay?”
“ Nasiib darro weynbay muujinaysaa heshiiska aan la caddayn danta bulshada ugu jirta ee laga dheefayo heshiiska qayral dastuuriga ah ee aan la marin xeer dejinta dalka. Xasuuqa danta guud ee aan la xeerin doonidda iyo danta bulshadu waa laga daba tagi doonaa. “
“Dekedda Berberi waa halbawlaha dhaqaalaha Somaliland balaadhin iyo casriyayn way u baahantahay heshiiska markaad eegto iyo ujeeddada dhabta ah ee ku duuggan waa boob caddaana, Madaxweynaha midigta la hayo ee aan garasho tolmoon oo uu ku kala cugto sax iyo qaladka ragga lahayn ragga maqaar saartay ee awoodiisa ku tagrifalaya taariikhda qori. Mujaahidka magaciisa iyo milgihiisa badbaadiya oo ka daaya qusurada dhaqaale raadis ee aad gelinaysaa horarayoow aan damiirka lahayni. “
“Boobka iyo xaraashka hantida umadda iyo dhaxal wareejinta dhaqaale ee xisbiga Kulmiye uu dalka ku hayaa, waa dhibbaatooyin ay adkaan doonto ka soo kaba shadoodu, maaha wax ku dhisan sharciyad iyo lexlo-jeclo dad iyo dalba. Waxaanu ugu baaqayna dadka dulman ee gobta in isbedelka habboon ee Xisbiga WADDANI xididada u siibi doono sharcio darrada hantida lagu boobay oo cid kasta oo dalka dhacday sharcigu qaban doono. Maantana waxa idinla gdboon inaad ficil kaga falcelisaan boobka xukuumadda oo aan marna la ogolaan in dalka la dhaxal-wareejiyo”.
“Somaliland bulshada ku dhaqan waxaan usoo jeedinayaa inay danta guud meel ugasoo wada jeestaan oo aan lagu khawaysiin heshiis beenaale lagu hiigayo hantidooda guud. Xukuumadda Siilaanyo waa cadceed casar liiq joogta waxay falaysaana waa kala yaaci. Mustaqablka lagaga hadhimaayo waxa la marin doona sharci nin kastoo ka dhiilo hishay hantida ummadda.”
“Muuse Biixi isagoo musharrax ah ayuu ka qaybgalay boobkii hantida, ujeedka uu wefdiga u raacay waa sidii uu qaybtiisa u qaadan lahaa xaqul qalinka, ninka isagoo misharraxa bixin waayay ee badbaadin wayay boobka maguurtada maxaa laga fili karaa haddu yimaado talada dalka waa boobka maanta mid ka darran. Danta guud boobkeeduna maanta kaw uma aha beerta uu haysto iyo hoygiisuba waa danguud oo ummadda ka dhaxaysa.”
Siyaasi Axmed Xasan Cali (Like)
Guddida fulinta Xisbiga WADDANI