“BOOBE ANIGAA KU DIIDAY” (26KII JUUN 1960KII MAY AHAYN MAALIN MAALMAHA KU JIRTAY OO LA WADA LAHAA EE WAXAY AHAYD MAALIN GAAR U AHAYD SOMALILAND) MUJ CALI GURAY

0
655

26kii Juun 1960kii may ahayn maalin maalmaha ku jirtay oo la wada lahaa oo Somali-wayne ee waxay ahayd maalin gaar u ahayd Somaliland oo markii ugu horaysay dadkeedu ay ku neefsadeen neecawdii xornimada ka dib markii ay ka baxeen magantii Boqortoyada Ingiriiska iyada oo aanay jirin Soomaali kale oo maalintaa iyo horteedba heshay madaxbanaani.

Maalintaa afarta Soomaaliyeed ee kale- ta Jabuuti, ta Somalia, ta Itoobiya, iyo ta Kenya- midna lamay wadaagayn neecawda xornimada ee Somaliland ay 26kii Juun keligeed ku naaloonaysay.

Waxay ahayd 26kii Juun 1960kii maalintii ugu horeysay ee reer Somaliland ay la soo noqdeen xaqooda ee iyagu keligood yeesheen xaqqa inay ka taliyaan masiirkooda, ama si sax ah ha uga tashadaan ama si qaldan eh, iyada oo aanay jirin cid kale oo taladooda la lahayd ama u yeedhinaysay. Hadaba, ma waxa qaldanaa neecawda dabayshii xornimada ee maalintaa ay ku neefsadeen shacbiga Somaliland? Mise waxa qaldannaa go’aankii siyaasiyiintii wakhtigaasi ee keenay israacii aan shuruudda lagu xidhin ee Somaliland ay kula midoowaday Somalia ka dib markii ay shan maalmood oo keliya jirtay 1dii July 1960kii?. Mise labada midna qalad ma ahayn ee wanaagii Somaliland ay samaysay ayuun baa xumaan loogu abaalguday ee hadii ay sida kale noqon lahayd oo Somalia aanay Somaliland liqdeen ee cadaalad la heli lahaa wixii dhacay may dhaceen? Sida AHN Cali Banfas u dhigay: MA GEFINE ANAAN LAYGA MARIN GOBIYO CAADKEEDE.

Calanka buluukiga ah ee xidigta cadi dhexda kaga taalo dhalashadiisii waxa markii ugu horeysay isaga oo xor ah laga taagay magaalada Hargaysa oo loogu wanqalay. Waa taariikh run ah oo aan la dafiri Karin inta dhalshadiisii suugaan loo tiriyayna reer Somaliland baa u tiriyay ee eray kumay darsanin soomaalida kale. Higsigii ama riyadii Soomaaliwayn marka la isku soo wada xooriyo waxay ahayd

SHANTOO IS WEHESHADAYEEY WACNAYDEE

CALAN INAY WADAAGAANEEY WANAAGSANAYDEE

Anigu taasi inay wada dhimatay ma qabo mana jecli waayo ugu yaraan waxa suurtogal ah SHANTOO IS WEHESHADA hadii la waayay CALAN INAY WADAAGAAN. Sidaa daraadeed anigu waxan ku talinayaa in aan 18 May iyo gooni-isu-taaga Somaliland loo fasirin Soomaali nacayb. Wax Soomaaliwayne la yidhaa oo manta suurtogal ahi in aanay jirin waynu ognahay Soomaalina intii ilaahay is baday ee meel ku wada nooli inay dantooda wada raacdaan, dhexdooda ka heshiiyaan, inta kalena xidhiidh wanaagsan la yeeshaan ayaa ila quman .

Ugu dambaystii dadka Somaliland qaladka ay ka tirsanayaa Somalia dad baa sameeyay ee maradan calanka Somalia wax dhibaato ah cidna umay geysanin.

Dadka ku murma June iyo May iyo tee baa mudan midna horta sharci uu jebiyay ma jiro lakiin qofba kaskii ayuu hadlay. Dastuurkuna ma qeexayo maalinta mudnaanta ka leh maalmaha kale oo dhan xeer kale oo qeexayna ma jiro. Somaliland kuwa arinkan ku muransani waaba kuwo isla ogol marka hore gooni-isu-taaga iyo mudnaanta labadan maalmood eh saw ma jiraan kuwo iyagu diidan oo ka soo horjeeda gooni-isu-taagaba hadana Somaliland u dhashay iyo dhul weli uu calankii Somalia ka taagan yahay oo 18 May aanay uba bilwnayn.

Tan kale hadalka Boobe waxa ku jirtay 18 May anagaa u soo halganay oo cid soo qaadi kartaa ma jirto. Halganku waa dagaalkii qoriga ee qoriga iyo siyaasaddu maxay isu yihiin marka hore. Qorigu sidiisaba asalka maaha ee waa adeeg asalka waxa ah siyaasadda sidaa daraadeed adeega loogama fiirsan karo si ka takooran asalkiisa( The political object of war is origin war is only means and means can never be considered in isolation from it’s origin) sida Carl von Clausewtz uu ku xusay tiyooriyadiisa caanka ah ee “Clausewtzian theory on war”. Markaa Mr Boobe waxan leeyahay dagaalkii waxa ka muhiimsan qadiyadda siyaasiga ahayd ee dagaalka oo ku biyo shubatay dib ula soo noqashada 26kii Juun 1960kii iyo xornimadii u sugantay Somaliland maalinta iyada ahayd lafteeda.