Bomkii Laga Helay Garoonka Old Trafford Oo La Ogaaday Halka Uu Ka Yimid +Sawiro

0
674

Bomkii laga helay Old Trafford shalayto ayaa noqday aalad tababar oo garoonka lagu ilaaway, sida ay xaqiijiyeen boliiska..

Ciyaartii u dhaxeysay Manchester United iyo Bournemouth ayaa la baajiyay ka dib markii aalad laga shakiyay la helay wax yar ka hor inta aysan ciyaarta bilaabanin. Khubarada ku takhasusay waxyaabaha qarxa ayaa loo yeeray, kuwaasoo si la koontaroolayo u qarxiyay aaladaas.

Boliiska ayaana sheegay in aaladaas si kama ah looga dhex tagay garoonka ka dib shirkad qaas loo leeyahay oo dhanka amaanka ah oo tababar ku sameyneysay garoonka arbacadii, iyadoo shirkadaas ay aheyd mid ku takhasustay ka hortaga weerarada argagixiso.

Kulanka Premier League ee u dhaxeeyay Man United iyo Bournemouth ayaana la sheegay in dib loo ciyaari doono habeenka talaadada saacada geeska Afrika marka ay tahay 10ka habeenimo.

Meeyarka gobolka Greater Manchester, boliiska iyo madaxa danbiyada Tony Lloyd ayaa qalad ka dhacay shirkada ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, waxaana ay doonayaan in si degdeg ah loo bilaabo baaritaan la xiriira sida ay tani ku dhacday iyo cida ka mas’uulka ah.

Tony Llyod ayaa hadalkiisa raaciyay: “Arintaan waxa ay carqalad ku tahay taageerayaashii meel dheer ka soo safray ee u yimid inay ciyaar daawadaan, waxaa la dhumiyay waqtiga tiro badan oo boliiska ah iyo khubarada ku takhasusay waxyaabaha qarxa, si bilaa micno ah ayaana halis loo geliyay dadka noloshooda, iyadoo todobanaan kun oo laga daadgureeyo garoon kubada cagta ah aysan aheyn bilaa riski.”

United ayaa dib u celin doonta dhamaan lacagaha tikidhada ciyaartii shalayto, waxaana ay u ogolaan doonaan dhamaan taageerayaasha iibsaday tikidhada inay si bilaash ah ku daawadaan ciyaarta habeenka talaadada. Jamaahiirta Man United ee heysta tikidhka xilli ciyaareedka ayaa iyagana la siin doonaa abaalmarin.

Waxaa lagu qiyaasay in arintaan ay Man United uga baxeyso lacag gaareysa seddex milyan oo ginni. Bournemouth ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo qorshaha safarka taageerayaashooda maanta oo isniin ah.
old_1

old_2

old_3

old_4

old_5

old_6

old_9

bom