Biriijkii Lugta Ee Burco Ma Waxa Uu Ahaa Qawda Maqashii Waxna Ha U Qaban !!! by Muhamed Dhimbiil
Roobab laxaad leh oo labadii cisho ee u dambeeyay ka da’ayey gobolka togdheer
ayaa waxa ay gooyeen biriij lugeed uu madaxweynaha somaliland dhagax-dhigay oo ay dhisaysay dawlada hoose ee Burco oo cusub oo dhowaan uun farta laga qaaday dhismihiisa.
Biriijka loogu talogalay in dadka lugaynayaa ka talaabaan ayaa waxa laga dhisay meel caan ah oo loo yaqaano ceel-gooni oo dadku aad uga talaabi jireen, waxaana la furay oo la dhamaystiray maalmo dhaweyd oo ay ka soo wareegtay mudo aan ka badnayn afartan iyo shan cisho ka hor.
Marka la rog-rogay waxa sababay in uu biriij cusubi dumo ayaa ah wax aan umada ka qarsoonayn, oo ah hantida umadu leedahay in aan loo ilaalinayn looguna dhisayn wax wanaagsan oo ay dadku munaafacaadsadaan mudo badan oo dambe , ee ah uun gole kaga kac iyo wax baan qabtay aan jirin oo indhaha umada la isaga jeedinayo.
Waxqabad la’aanta ay umadu kala kulantay goleyaasha deegaanada dalka intooda ugu badan waxa ka daran tayo xumida marka ay is yidhaahdaan wax qabta iyo waxa ay dhisayaan oo ah indhaha dadka uun tus in aad wax dhisaysaan laakiin waxa ay dhisayaan iyo waxa ay ku dhisayaanba in umadu leedahay oo waxooga wax wanaagsan loo galiyo oo tayo leh aanay kuba jirin.
Waxa jirtay in bari dhawayd bulshadu ku baraarugtay bal in goleyaasha deegaanada oo mudo todoba sano ah fadhiyey waxa ay qabteen iyo waxa ay soo kordhiyeen wax la iska weydiiyo , mayorka Burco waxa uu indhihii umadda isaga jeediyey in uu eedeeyo madaxwayne geeriyooday wakhti hore oo uu ka dhigo nin reereed oo gobolo gaar ah dhaqaale iyo cashuur u xidhay.
Dadkeena oo aan waxba hubsani waxa ay qaateen hadalkii noocaas ahaa waxaana ay iloobeen in lala xisaabtamo mayorka iyo golaha deegaanka Burco oo la yidhaahdo maxaad umada u qabateen mudadaa aad meesha fadhideen , waana mid xaq loogu lahaa in la weydiiyo.
Dadka waxooga wax wanaagsan ha loogu qabto Bilahi Calayk .
Muhamed Dhimbiil