Barack Obama Oo Maanta kasoo dagey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

0
669

Nairobi (Halsan)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana halkaas ay uga bilaabmay booqasho laba maalmood uu ku qaadan doonto dalkaas.

Waxaana Madaxweyne Obama uu magaalada Nairobi uga qaybgalaya shirka caalamiga ah ee hal abuurka ganacsiga, iyadoo ay tahay booqashadii ugu horaysay oo isaga oo madaxweyne ah uu ku tago Kenya oo aabihii ka soo jeedo.

Dadka Kenya ayaa si weyn ugu diyaargaroobay soo dhaweynta Obama oo ay sheegeen inuu yahay wiilkoodii oo dib ugu soo noqday dalkiisii, Iyadoo ammaanka magaalada Nairobi ayaa aad loo adkeeyay.

https://youtu.be/Z9d7jYBRcBs