Waa mas’uuliyad wadareed, si loo kala badsanayoba)
“Ubadkayagii iyo adduunkayagiiba way isku darsadeen oo iyaga ayaannu u garbaduubannahay!” Sidaas waxa ku calaacalaysa hooyo haaraamaysa ka-ganacsadayaasha tahriibta.
Magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Boorame ayaa laga tibaaxo bixinayaa in qawlaysatada dhallinyarada tahriibisaa ay saldhigyo arrimahaas laga abaabulo ku leeyihiin. Marka ay dhallinyarada ururiyaan, waxa ay u sii gudbiyaan baa la yidhi mukhallasiin kale oo ku negi Addis Ababa, kuwaas oo iyana ku sii xidhan baa la tibaaxay kuwo kale oo ku sugan Suudaan iyo meelaha doonyaha laga raaco ee Libya ama Masar iwm.
Waxa kale oo jira ayaa la tilmaamayaa mukhallasiin kale oo jooga, lacagtana ka soo ururiya waddamada Yurub, gaar ahaan Ingiriiska, Norway iyo Sweden. Waa baando gaangistarro ah oo abaabulan, iskuna xidhan.
Inta badan dhallinyaradu ma ogaysiiyaan waalidiintooda marka hore in ay suudalayaan. Si uun bay dhallinyaradu u urursadaan nooliga hore ee Burco, Hargeysa ama Boorame lagaga ambabaxayo. Dibedda marka ay tagaan ayaa mukhallisiintu la hadalsiiyaan dhallinta waalidiintood, iyaga oo ooyaya oo leh “ waxa aannu nahay dhaawac ama xabsi baannu ku jirnaa “Gacantii Magafe” oo waxa na looga baahan yahay lacag intaas oo kun oo Dollar ah!”
Waalidku waa “beer wax dhalay!” Isaga oo anfariirsan oo aan madax iyo mijo ka uu ku soconayo kala ogayn ayuu dayn iyo dakanoba ku keenaa wixii looga baahnaa. Inta badan qurbaha ayaa laga soo ururiyaa lacagaha ay mukhallisiintu dalbanayaan ama dhul iyo jagooyin ayaa loo xaraashaa haddii aanay qaraabo soo caawisaa dibedda ugu maqnayn.
Way se jiraan waalidiin ubadkooda taas kula socdaa oo la ogi oo ku taakuleeya in ay suudalaan, nooligana sii siiya. Waa run oo way jiraan. Xitaa waalidiin badan baa dabada ka riixa ubadkoodu in ay tahriibaan, iyaga oo ku dhalliilaya joogitaankooda waddanka, tusayana hebello khayrkood ah oo qurbajoog ah oo baloodho iibsanaya ama iyaga oo fiririqlaynaya soo dega oo guuxa gawaadhida ku dhega-barjeeya.
Land cruiser gado
Guuxiisa mood
Gob inaad ku tahay! Cabdi Muxumed Amiin, AHUN.
Arrintani waa aafo qaran iyo cuyuban joogtaysan.
Haddii ay xukuumadda Somaliland hore uga baaqsatay in ay la timaaddo qorshe iyo jihayn dhallinyaradaas lagaga badbaadin karo hadimada iyo halaagga tahriibta, yaanay ku guuldarraysan maantana mar kale in ay xakamayn kari waydo suudalka dhallinyarada.
Si halista loo yareeyo, arrinta biyo-kama-dhibcaanka ah ee degdegga loogu baahan yahay waa in badhitaan rasmi ah lagu sameeyo dadkaas hooyadu ka dhiillaabayso ee ubadkoodii iyo hantidoodiiba isku darsanaya. Kuwaasi waa kooxaha la tilmaamayo ee ku mamay ka ganacsiga dadka nool ee tahriibiya. Burco, Hargeysa, Boorame iyo magaalooyinka kaleba in kooxahaasi ka hawl galaan ayaa carrabka lagu hayaa.
Si arrintaas wax looga qaban karo, waddamada jiiraanka iyo kuwa reer Yurub ayaa lala kaashan karaa. Waayo waxa arrintaas gacanta kula jira oo ka shaqaynaya Kooxaha Denbiyada Abaabulan ku shuqlan ee caalamiga ah iyo Tahriibinta Dadka (Organised Crime and Human Trafficking). Ma aha in arrintan hadal keliya in lagu daweeyo la isku dayo. Ficil dhab ah iyo hawlgal leh aragti qotodheer iyo qorsheyaal kala dambeeya ayay u baahan tahay in lagu waajaho, iyada oo la iska kaashanayo dawlad iyo dadweyneba, waayo waa mas’uuliyad wadareed, si loo kala badsanayoba.
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
Allaa mahad leh
Maxamed Baashe X. Xasan