Baashe waxa loo bixiyey(Ali khaliif baa yaabay).

0
591

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo. dhaqankoodu mid maaha . Dhaliil la iskama qaato . DHafoor taabasho weeye . Dhibtana la iskuma eego. daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto. Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee . Kaalayoo bal dhegayso. Dhaqane:Baashe waxaa loo bixiyey(Ali khaliif baa yaabay)oo yidhi xildhibaan xaal qaado.mar haduu xildhibaankuba noocaa yahay.Waar horta madaxweynuu ma ogyey waxan waddanka ka socda?. Dhaashane:Madaxweynuu ma ogyey ma hadalbaa?Sow waddanka ma joogo? Ma cirkuu jiraa? Dhaqane:Waar anaga boqol su`aalood imika ha isu kaayo daba dhigine.Muu ka haldo haduu wax ogyey?Mida kale, horta maxaa kiiska iskaga waashaan ee waddankoo qasan xaflad caruur qalinjebisa madaxweynaa u gaysaan?dee maxaan idin kala hadlaa waaba dadkiina sh saleebaankii islaama meherin jiray haamii shidaalka ku aaminee. Dhaashane:Waar kaalay oo haddii Abdiraxman ciro la taabto ma ilaa suldaankiina guud baa hadlaya? Sidaynu dowlad ku noqonaynaa haddii ninkii la taabtaba ila suldaankiisa guud hadlo.Waar meesha inagu kala kexeeya adeer. Dhaqane:Caqli badanaa .Waa ninka raba in isaga wixiisuba qabiil ku salaysnaadaan dadka kalena ku leh suldaan baa hadlay.Waar waxaa iga daayoo waxan ku waydiiyey,Saleebaan gaalbaa nimankii dhexdhexaadinayaan maqlee ma dhab baa? Dhaashane:Saleebaan gaal haduu dhexdhexaadiyo sow gudoomiyii guurtida maahoo shaqadiisiiba maaha .Maxaa ku jira?Taasna ma waxbaad ka soo saari? Dhaqane:Ma ninkii qaskaba waday baad leeday waxbuu dhexdhexaadinayaa? Wuxu yidhi: Runta kii u maganow Taariikhdu waa mudan Iyadaa markhaatiya Waxaad maanta qabataa Meel laguugu qorayaa Bal aan eegno wuxuu keeno.

 

Waa qallinkii:Baxnaan xaaji aden diiriye sweden