Baarlamanka Britain oo ka doodaya qorshe ka dhan ah booqasho uu Trump ku tegi doono dalkaas

0
655
Baarlamanka Britain oo ka doodaya qorshe ka dhan ah booqasho uu Trump ku tegi doono dalkaas

 

Baarlamanka Britain ayaa dhowaan la horgeyn doonaa inuu ka doodo dalab ku aadan in Britain ay joojiso safar la qorsheynayo in Madaxweynaha Maraykanku ku tago dalkaas.

Arintan ayaa timid ka dib markii dad ka badan hal milyan oo qof oo ku nool Britain ay saxiixeen dalab ay uga codsanayaan dowladda inay baajiso booqashada la qorsheynayo inuu Trump ku tago Britain dabayaaqada sanadkan.

Dalabkan ayaa jawaab u ah amar uu soo saaray madaxweyne Trump oo ka dhan ah qaxootiga, iyadoo kuwa ka dambeeya arintan ay ku doodayaan in boqorada ay ceeb ku tahay haddii Trump uu booqdo Britain.

Haddii dalabyada noocan oo kale ah ay saxiixaan boqol kun oo qof ka badan waxaa la geeyaa baarlamaanka si looga doodo.

Hase ahaatee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi Theresa May ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada in la baajiyo safarkaasi, iyadoo afhayeen u hadlay dowladdu uu sheegay in casumaadaasi mar hore lo fidiyay Madaxweyne Trump isla mrakaana uu aqbalay.

Madaxweyne Trump ayaa hakiyay dhamaan barnaamijyadii uu Maraykanku ku qaadan jiray dadka qaxootiga ah muddo afar bilood ah. Waxaana si joogto ah loo joojiyay qaxootiga Suuriya, iyadoo la joojiyay inay Maraykanka aadaan dhamaan muwaadiniinta todobo dal oo Muslimiin ah.

Trump ayaa marar badan ka hadlay xiriirka shakhsiyadeed ee uu la leeyahay Britain. Hooyadii ayaa ka soo jeeda Scotland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here