Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay xukuumadii uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne C/Kariin Guuleed

0
647

Magaalada Cadaado waxaa maanta lagu ansixiyay Golaha Wasiirada xukuumadda maamul goboleedka Galmudug, kaddib fadhi uu yeeshay Golaha Baarlamaanka isla markaana codka aqlabiyadda ay ku heshay Xukuumadda cusub.

Mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ee iyagu fadhiga lagu ansixinayo xukuumadda cusub oo tiradoodu gaareyso 69-Mudane ayaa waxaa codka kalsoonida siiyay 66-Mudane, iyadoo mudanaasabadda uu goob joog ka ahaa Madaxweyne C/Kariim Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay Baarlamaanka sida aqlabiyadda leh ee ay ugu codeeyeen xukuumadiisa, isagoona dhinaca kale Wasiirada cusub ku booriyay inay howlahooda qabsadaan isla markaana ay la yimaadaan hufnaan iyo howl-karnimo.

Dhinaca kale ansixinta dowladda cusub ee maamulka Galmudug ayaa ku soo beegmeysa xilli goboladaasi ay ka taagan yihiin khilaafyo siyaasadeed oo kala dhaxeeya maamulka gobolada dhexe oo halkaasi ay ka asaaseen culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca, hase yeeshee waxaa socota waanwaan arrimahaasi lagu xalinayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here