Austria iyo Jarmalka Oo Kumanaan Qaxoonti Ah Qaabilay+ Qoyska Ra’isal Wasaaraha Finland Oo Gurigooda Ku Qaabilaya Muhaajiriin.

0
662

Munich (Halsan): -Dalka Jarmalka iyo wadanka Austria ayaa qaabiley kumannaan qof oo muhaajiriin ah oo ka tagay dalka Hungary kaddib markii maalmo ay halkaasi ku xayirnaayeen.

Kaddib markii dad iskood isu abaabulay ay xuduudda ku soo dhaweeyeen waxa ay toos u aadeen caasimadda Vienna iyo magaalada Munich ee koofurta Jarmalka.

 

Jarmalka ayaa si rasmi ah usoo dhaweeyay qaxootiga dalkaasi gaadhay, waxaana xalay goob tareennada laga raaco oo ku taalla magaalada Munich soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay qaxooti halkaasi gaadhay.

 

Wasiirka arrimaha bulshada ee gobolka Bavaria ee Jarmalka, Emilia Mueller, oo warbaahinta kula hadashay magaalada Munich, ayaa sheegtay in xaaladda ay hadda tahay sidii ay rajeynayeen.

 

Sidoo kale Boqolaal qaaxoti dheeraad ah ayaa maanta la filayaa in ay gaadhaan Jarmalka.

Xukuumadda Berlin ayaa sheegtay in dabcinta ay ku sameysay sharciga muhaajiriinta ee u yaalla Midowga Yurub, ay gacan ka geysatay ka hortaga xiisad bani’aadannimo oo ka dhacda soohdinta ay wadaagaan dalalka Hungary iyo Austria.

 

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa lagu wadaa in ay maanta kulan la yeelato xisbiyada ay dowlad wadaaga yihiin, si ay uga shiraan qorshaheedda ay uga jawaab celineyso arrinta qaxootiga.

 

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Finland, Juha Sipila, ayaa BBC-da u sheegay in uu go’aansaday in gurigiisa gaarka ah uu kusoo dhaweeyo dad muhaajiriin ah.waxa uu sheegay in arrintan ay xaaskiisu kula talisay,sidaasna ay qoys ahaan ku goosteen inay albaabkooda u furan dadka magan galyo doonka ah.

 

Waxa uu sheegay inuu rajeynayo in shacabka dalkiisa ay arrintaa kaga dayan doonaan. Waxa uu shacbiga ku booriyay in qof waliba albaabkiisa u furo dadka qaxoontiga ah, si qoys walba intii karaankiisa ah u qaabilo.

 

Jawaab celinta Yurub ee ku aaddan xiisadda ka dhalatay muhaajiriinta ayaan mideysneyn, walow in ka badan 350,000 oo muhaajiriin ah ay sanadkan oo keliya gaadheen gudaha Yurub.jarmalka99999jarmalka 9999