Askari Kenyan ah oo ka Bad baaday Weerarkii Ceel Cadde oo lagu dilay Weerarkii Kulbiyoow

0
684
Askari Kenyan ah oo ka Bad baaday Weerarkii Ceel Cadde oo lagu dilay Weerarkii Kulbiyoow

 

Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaa Warbixino ka qoray askari katirsanaa Ciidanka Milatariga Kenya oo ka bad baaday Weerarkii sanad kahor Al Shabaab ku qaadeen Deegaanka Ceel Cadde balse lagu dilay Weerarkii maalmo kahor ka dhacay Deegaanka Kulbiyoow.

Askarigan oo lagu magacaabo Moses Mwakio oo 40 jir ahaa ayaa ka badbaaday weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Degaanka Ceel Cadde, weerarkaasi ayaa lagu dilay in ka badan 100-askari oo katirsanaa Ciidanka Kenya ee ku sugnaa xerada la weeraray.

Moses Mwakio ayaa markii uu ka bad baaday weerarkaasi dib ugu laabtay dalkiisa Kenya waxa uuna askarigan mar kale go’aansaday in uu kusoo laabto Soomaaliya , waxa uuna ka mid ahaa Ciidamada Milatariga Kenya ee ku sugnaa Deegaanka Kulbiyow.

Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in askarigan uu kamid noqday ciidankii dhawana Kenya looga laayay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen xero ciidan ay ku lahaayeen Deegaanka Kulbiyow.

Xaaska Askarigan Al Shabaab dileen ayaa Wargeyska u sheegtay in ninkeeda markii sedexaad uu howlgal u aaday gudaha Soomaaliya ugu dambeyna lagu dilay weerarkii ka dhacay Deegaanka Kulbiyoow, waxa ayna tilmaantay in horey uga bad baaday weerarkii Ceel Cadde ka dhacay.

Christine Mwaluwa oo ah Hooyada dhashay askarigan la dilay ayaa la sheegay in Wiilkeeda ka codsatay in uu ka haro ciidanka uuna iska joogo balse waa uu ka diiday codsiga hooyadiis, waxa uuna ku dooday in alle ka bad baadinayo dhibaato wax cabsi ahna uusan qabin.

Wasaarada Gaashaandhiga dalka Kenya ayaa maalin kadib la xariirtay markii uu weerarka ka dhacay xaaska askariga la dilay, waxa ayna ku wargaliyeen in ninkeeda lagu dilay weerarkii ka dhacay Deegaanka Kulbiyoow.

Askarigan ku baxay gacanta dagaalyahanada Al Shabaab ayaa ka tagay sadex caruur ah, waxa uuna askarigan kamid noqday tiro badan oo askarta Kenya ah oo lagu dilay Weerar isbuuc kahor Al Shabaaab ku qaadeen xero ay kaga sugnayaeen deegaanka Kulbiyoow.